Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Baarlamanka Puntland oo mooshin ka diyaariyay maxkamadda dastuuriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-wakiilada-1200x675-2.jpg?resize=1

In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimada diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay berri yeelanayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay Baarlamanka.

Dowladda Puntland ayaa Sabtidii maxkamadda u gudbisay qoraal ay kaga dalbanayso in ay go’aan ka soo saarto arrinta Baarlamanka.

PUNTLAND POST

The post XOG: Baarlamanka Puntland oo mooshin ka diyaariyay maxkamadda dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this