Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo Shaaciyay in Xalka dalku ku Jiro Doorashooyinka, Amaanayna Hay’adda Sirdoonka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo Shaaciyay in Xalka dalku ku Jiro Doorashooyinka, Amaanayna Hay’adda Sirdoonka

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xalka Somaliland uu ku jiro doorashooyinka isa saarka ah oo wakhtigooda ku qabsooma.

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Somaliland iyadoo dalkeeda difaacaysa ay qabsan karto doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024.

Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka oo uu tilmaamay inuu shaqadiisa ka soo baxay.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegaycin loo baahan yahay in Somaliland ay dib ugu noqoto oo la isku dhaqo shareecadda islaamka oo ahayd ballan ummadda reer Somaliland ay qaaday xilligii ay ku jirtay halgankii dib u xoraynta dalka.

Guddoomiyaha UCID wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay sharci ka soo saarto maamulka dhulka, isagoo dhaliilay shirkii Beesha Ciise ee soo saaray in beesha kale ee ay wada degaan ka guuraan deegaanno ku yaalla gobolka Selel. Wuxuuna xusay in dhawaaqaasi khalad ahaa isla markaana loo baahan yahay in nabadgelyo iyo walaalnimo loogu wada noolaado dhulka oo uu carabka ku dhuftay inuu dadka ka wada badan yahay.

Sidoo kale Guddoomiye Faysal wuxuu ku dooday in Somaliland ay ka guulaysan doonto huwanta ku soo duushay, wuxuuna ku soo jeediyay in la midoobo danta iyo difaaca Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this