Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare ee Puntland oo go’aan culus ka soo saartay qorshe uu ansixiyey baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntlandm.webp?fit=768%2C477&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Puntland ayaa burisay go’aankii baarlamaanka Puntland ay ku kororsadeen mudo xileedkooda waqti hal sano ah.

Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aankaan  waxay sheegeen in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.

“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Baarlamaanka ayaa qorsheynayey in 31-12-2024 uu dhamaado muddo xileedkooda, balse hadda waxaa la go’aamiyey inay doorasho aadaan.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay labo qodob oo kala ah:

1 – Maxkamaddu waxay burisay go’aankii golaha wakiillada Puntland ee kalfadhigii 53-aad, maadaama uu si cad uga hor imaanayo qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, isla markaana uusan la heyn macne sharci ah oo loo cuskaday.

2 – Muddo xileedka baarlamaanka wuxuu ku egyahay 31-12-2023, si waafaqsan qodobka 60-aad ee dastuurka Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamadda

IMG_6487.jpeg?resize=696%2C900&ssl=1 IMG_6488.jpeg?resize=696%2C900&ssl=1 IMG_6489.jpeg?resize=696%2C901&ssl=1

The post Maxkamadda Sare ee Puntland oo go’aan culus ka soo saartay qorshe uu ansixiyey baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this