Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyey ee khasaaraha ka dhashay Xasuuqa ka socda Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 133 qof ayaa lagu dilay weerarrada xooggan ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen marinka Qaza 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza maanta oo Sabti ah.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “259 kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen duqeynta Israel 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.”

Sida lagu sheegay bayaanka, “71 meydad ah iyo 160 dhaawac ah ayaa soo gaadhay cisbitaalka Al-Aqsa ee Deir Al-Balah, badhtamaha marinka Gaza 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

“62 meydad ah iyo 99 dhaawac ah ayaa soo gaadhay xarunta caafimaadka ee Nasser Medical Complex ee koonfurta Marinka Gaza, taasoo ka dhalatay weerarrada joogtada ah ee Israel.”

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku hayso Marinka Gaza 1-dii Disembar kaddib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu hakad ku jiray dagaalka ay kula jirto Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 17,487 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 46,480 kalena waa lagu dhaawacay weerarro cir iyo dhul oo aan kala joogsi lahayn oo lagu qaaday deegaankaas tan iyo 7-dii Oct. ka dib weerar xudduuddeed oo ay qaadeen Xamaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this