Sign in to follow this  
General Duke

Charcoal market burns down ......

Recommended Posts

Gawaarida sida dhuxusha ee kujira geerishyada Miisaanka dhuxusha ee Magaalada Muqdisho oo wali gubanaya.

 

April 02-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Mudo sadax maalmood ah oo ay Magaalada Muqdisho marti u ahayd dagaalo aad u qaraar ayaa waxaa wali gubanaya Baabuurta nuuca loo yaqaano indhatareeyada oo dhuxul ay saarantahay kuwaasoo ku xaraysnaa geerishyada kuyaala Miisanka dhuxusha kadib markii ay ku dhaceen Madaafiicdii Maalmihii aanu soo dhaafnay lagu garaacayey Magaalada Muqdisho.

 

In ka badan 10 gaari oo ah Baabuurta xamuulka ah nuuca loo yaqaano indhatareeyada oo jiidaya Rimooradooda ayaa maalintii saxaad ku gubanaya iyaga iyo dhuxushii saarnayd geerishyada waaweyn ee Miisaanka dhuxusha ee Magaalada Muqdisho kadib markii Madaafiic habow ah ay ku habsadeen goobahii gaadiidkaasi ay yaaleen.

 

Madaafiicdii Maalmihii aanu soo dhaafney ku dhacayey meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa gaystay qasaare isagu jira dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed iyadoo goobo ganacsi oo fara badan kuna yaala xaafadaha waaweyn ee Magaalada Muqdisho ay ku dhaceen Madaafiicdaasi waxyeelana ay u gaysteen dadkii goobahaasi iska lahaa.

 

Miisaanka dhuxusha ayaa maanta lagu arkayey qiiq fara badan iyo uuro halkaasi ka baxaysa kadib markii dhuxul fara badan iyo gaadiidkii saarnaa oo Madaafiic ay ku soo dhaceen ilaa iyo maanta ay ahaayeen kuwa iska holcaya.

 

Mana jiraan ilaa iyo iminka cid markaasi isku howshay inay wax ka qabtaan ama ay gurmad u sameeyaan dadkii lahaa dhuxushaasi iyo gaadiidka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this