Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi we have cleared most streets of criminals..Audio

Recommended Posts

Muqdisho:" Kooxaha argagixisada weeraradii ugu xoogga badnaa ayay dawladda kusoo qaadeen, wayna ku jabeen" Prof: Cali Maxamed Geeddi.

22. april 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka Muqdisho uu u dhexeeyo kooxo argagixiso ah iyo dawladda federaalka oo ay caawinayso dawladda Itoobiya.

 

Cali Maxamed Geeddi wuxuu xusay in dagaalka lagula jiro kooxaha xag jirka inay sii socon doonaan tan iyo inta laga nadiifinayo magaalada Muqdisho.

 

Raysulwasaare Geeddi wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wali ku jira xaafadaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxahaasi inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan.

 

Md: Geeddi wuxuu sheegay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan kooxo ajnabi ah oo argagiixso ah hase ahaateen aysan cid qabiil ku dagaallamaysa jirin.

 

" Xasan Daahir Uways wuxuu horay u yiri dagaalka anagaa wadna, ayaguna waa argagixiso danbi iyo dulmi wayn ka gashay shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Md: Geeddi.

 

Raysulwasaaruhu wuxuu sheegay in kooxaha argagixisadu ay maalmihii tagay duullaamo xoog leh soo qaadayeen,wuxuuna sheegay in dhammaan dagaalladii ay soo qaadeen ay ku jabeen, haddana laga saaray goobihii ay ku jireen badankood, dawladduna ay kusii siqayso

 

Cali Maxamed Geeddi wuxuu hambalyo u diray ciidanka amniga qaranka Soomaaliya oo uu sheegay inay argagixisada u babac dhigeen, wuxuu ammaanay booliska oo uu ku sheegay inay qaab nabad galyo ah ula wareegayaan goobaha argagixisada laga sifeeyo .

 

Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool ayuu ugu baaqay inay si taxaddar leh ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, goobihii laga saaro argagixisadana ay dib ugu soo laabtaan.

 

Dhinaca kale Geeddi wuxuu dhaliilay qaar kamid ah wakiillada hay'adaha deeqda bixiya oo uu ku tilmaamay inay been cad ka sheegeen dawladda, ayagoo sheegay in dawladdu diidday in caawinaad la bixiyo.

 

" Si arimahaasi beenta ah dadka loo tuso waxaan u furnay hay'adaha dhammaan garoomada diyaaradaha ee kuyaalla Soomaaliya" ayuu yiri Geeddi.

 

Geeddi wuxuu sheegay inaan hay'adaha laga yeeli doonin inay raashinka ay hayaan bakhaaro isaga kaydsanaadaan, dabadeedna halkaasi ay ku qurmaan oo ay ku dhacaan.

 

Hadalka Geeddi ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah odayaasha Muqdisho ay sheegayan in dagaalkan ay ku jirto beesha ******.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi: " Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Luuqada ay garanayaan ayaa waxay tahay oo kaliya dagaal, sidaa daraadeed waxaan kula hadlaynaa dagaal..”

April 22, 2007 Markacadeey

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqey shacabka degen goobaha ay dagaalada ka soconayaan in ay isaga baxaan.

 

Ra’iisal waraasaha ayaa ugu baaqey shacabka in ay degaan deegaano uu sheegay in ay nabdoon yihiin, lagana sifeeyay wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada.

 

"Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Luuqada ay garanayaan ayaa waxay tahay oo kaliya dagaal, sidaa daraadeed waxaan kula hadlaynaa dagaal..”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.

 

Raysal-wasaaraha ayaa kooxaha ka soo horjeeda dowladiisa iyo kuwa Itoobiya ku sheegay inay Yihiin kuwo xiriir la leh "Al-Qaacida". Wuxuuna Geedi meesha ka saaray inuu wax wada-hadalo la gelayo kooxo xiriir la leh ama la shaqeeya Shabakada "Al-Qaacida".

 

Wuxuu u mahad celiyay ciidamada dowlada federaalka Itoobiya oo uu sheegay in ay guulo wanaagsan ka gaareen dagaalada lagula jirayo kooxaha uu ku sheegay in ay yihiin daba dhilifyo u adeegayo dano shisheeye.

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo ka hadley dagaalada

21 Apr 21, 2007 - 7:16:38 PM

 

Ra'isal wasaaraha DFKMG ah Cali Max'ed Geedi oo la hadlay warbahinta gudaha ee Somaliya ayaa sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho la sii wadi doono tan iyo inta meesha laga saarayo kooxaha argagixisad ku xiran waa sid auu hadalka u dhigaye.

 

Geedi oo dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ciidamada dowlada federaalka oo tageero ka helaya kuwa Ethiopia guulo waaweyn oo la tabaan karo ka soo hooyeen dagaalka lala galay koxaha ka soo horjeeda, waxana uu intaa ku daray in hada la oran karo DF waxa ay gacanta ku heysaa gebi ahaan casimada Muqdisho.

 

Dhinaca kale Gedi ayaa waxba kama jiran ka dhigey edeynta ka soo baxdey hay'adaha samafalka oo sheegaysa in dowlada Fedraalka ay xirtey garoomada diyaradaha ee laga soo dajin lahaa mucaawinada ku socota dadka ka qaxey dagaalada.

 

Geedi ayaa xusey in hay'daha samafalka ay imaan karaan garoomada Somalia oo dhan dhamantoodna ay furan yihiin.

 

Ra'isal wasaaraha ayaa xusey in hey'adaha samafalka ay u barteen dowlada la'aanta Somlia ka jirtey 16 sano ee la soo dhaafey kadibna ay bilaabeen dacaayad ah in dowladu diidey samafalka.

 

Geedi ayaa meesha ka saarey in wax ****** la yiraahdo oo la dagaalamaya dowlada iyo ciidamda Ethiopia oo dagaalamya ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi “afka ay ku hadlaan waa xabad waana la wadaynaa”

 

(Muqdisho}22.4-7

R/wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho inay isaga baxaan deegaamada ay dagaaladu ka socdaan.

 

Geedi ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka uu sii socon doono ilaa laga safinaynayo waxaa uu ku tilmaamay argagixisada ku dhuumaaleysanaysa xaafadaha waa sida uu hadalka u yiriye.

 

Waxaa iyana waxba kama jiraan ka soo qaaday hadalaada sheegaya in dagaalka Muqdisho uu u dhaxeeyo ciidamo Ethiopian ah iyo maleeshiyo ka tirsan beesha ******, waxaanau sheegay in ciidamada dawlada oo kaashanaya Ciidamada Ethiopian-ka ay la diriayaan kooxo aragagixiso ah oo ka tirsan sida uu ku dooday shabakada Al-qaida.

 

Geedi ayaa meesha ka saaray in xukuumadiisu aysan wax wada hadal ah la galeyn ururo aragaixiso ah,isagoo intaasi raaciyey in afka ay fahmi karaan uu yahay dagaal iyo xabada kaasi oo hadda ka wadno magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kalena magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaxay kumanaan qayso oo hadda aad ugu dayacan daafaha iyo gobolada deriska la ah magaalada Muqdisho iyagoo weli quudaraynaya inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Hay’adaha samafalka ayaa iyana ka cowday oo ku eedaysay DFKMG ah inay idaha ka xiratay gargaarka ay hay’aduhu u sidaan dadkaasi dhibaateysan,hase yeeshee Geedi ayaa sheegay in aan dawladiisu wax eed ah ku lahayn hay’aduhu ay been sheegayaan.

 

Waxaa uu sheegay geedi inuu ka xun yahay dadka rayadka eek u wax yeeloobay dagaalada,waxaanu ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan magaalada qaybaha nabada ah oo dawladu gacanta ku hayso.

 

Dagaaladii ugu danbeeyey ayaa galaaftay dad tiradoodu kor u dhaafaso 100 ruux halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dagaalka oo weli soconayaa ayaa ah ugu adkaa oo ka dhaca magaalada Muqdisho tan markii DFS oo ay halkaas ka saartay xukunkii MMI.

 

C/naasir Cali Nuur Radiowidhwidh Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof- Geedi " Dadka ka barakacay Muqdisho waa inay ku soo noqdaan Xaafadaha nabada ah ee laga sifeeyey Arga-gixisada"

 

April 22 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Cali Maxamed Geedi oo ah Riisal- wasaaraha DFKS ayaa si xoogan ugu baaqay shacanka Soomaaliyeed ee muqdisho ku dhaqan inay isaga guuraan goobaha ay ku jiraan waxa uu ugu yeeray "argagixisada".

 

Raysal-wasaaraha oo khudbadiisa meelo badan taabaynaysay , ayaa afka ku balaariyey inaysan dagaalada ka socda Muqdisho aysan u dhaxayn Ciidamada Itoobiya iyo kooxo maleeshiyo ah oo ka tirsan Beesha ******- ah.

 

Raysal-wasaaraha ayaa kooxaha ka soo horjeeda dowladiisa iyo kuwa Itoobiya ku sheegay inay Yihiin kuwo xiriir la leh "Al-Qaacida".Wuxuuna Geedi meesha ka saaray inuu wax wada-hadalo la gelayo kooxo xiriir la leh ama la shaqeeya Shabakada "Al-Qaacida".

 

Cali Maxamed Geedi ayaa mar kale yiri" Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Luqada ay garanayaan ayaa waxay tahay oo kaliya dagaal, sidaa daraadeed waxaan kula hadlaynaa dagaal" ayuu yiri mudane Geedi.

 

Geedi ayaa wuxuu kaloo ka hadlay Hay'adaha gargaarka ka wada soomaaliya , wuxuuna waraysigiisa ku cadeeyey inaysan dowladiisa aysan hor istaagin hay'adaha gar-gaarka keena , wuxuuna dadka shacabka ah ee Muqdisho ka qaxay uu Cali Maxamed Geedi ugu baaqay inay ku soo laabtay xaafadaha Nabdoon ee laga sifeeyey kooxaha dagaalka ka wada Muqsidho.

 

Raysal-wasaaraha ayaa waraysigan wuxuu siiyey Radio Somaliweyn ee barta Inter-netka , waxayna qudbadiisa ku soo beegantay waqti ay magaalada Xamar ay maalmihii ugu danbeeyeen ay hala keeyeen dagaalo is daba-jooga oo u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo kooxo dowlada ka soo horjeeda oo aan la hayn istiraajiyad siyaasadeed.

 

Si kastaba, Inkasta oo aan la ogeyn warar xaqiiqa oo sheegi kara aafadii dagaaladii 3-dii maalmood ee ugu danbeeyey ka dhalatay dagaalada ka socda Muqdisho, hadana waxaa soo shaac-baxaysa in dagaaladaas ay ku dhaawacmeen ilaa 120 qof , ayna ku dhinteen dad qiyaastoodu ay kor u dhaaftay 60 qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this