Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya,” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

Saciid Deni ayaa horey uga dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

The post Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this