Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start

Recommended Posts

- Degmada Shangaani

 

1. Dekaddii Hore

 

2. FIAT

 

3. Madbacaddii Qaranka

 

4. Wakaaladdii Muuska

 

5. Isgoyska Jubba (Shangaani iyo Qeybta Guud)

 

6- Degmada Kaaraan

 

1. Isgoyska Sanca

 

2. Isgoyska Degmada Kaaraan

 

3. Isgoyska Marinaayo

 

4. Xaliima Hiite

 

5. Suuqa Arjantiin

 

6. Ceel Cali Geeddi

 

7- Degmada Yaaqshiid

 

1. Isgoyska Fagax

 

2. Towfiiq

 

3. Suuq Bacaad

 

4. Ramadaan

 

8- Degmada Hawlwadaag

 

1. Isgoyska Hawlwadaag

 

2. Isgoyska Aadan Cadde

 

3. Xarunta Degmada

 

4. Saldhigga Degmada

Share this post


Link to post
Share on other sites

9- Degmada Wardhiigley

 

1. Isgoyska Florence

 

2. Isgoyska Cali kamiin (dadka maamulka degmada ka mid ah)

 

3. Carwo Idko

 

4. Geed Jacayl

 

5. Furayaasha

 

10- Degmada Cabdulcasiis

 

1. Geedoole

 

2. Liido

 

3. Gaadiidka Booliska

 

11- Degmada Wadajir

 

1. KM-4

 

2. Waddada Zope

 

3. Suuqa Wadajir

 

4. Waddada Jan. Maxamed Saalax

 

12- Degmada Dharkiinley

 

1. Xoosh

 

2. Ex-Koontarool

 

3. Suuq Boocle

 

4. Kax Shiiqaaleed

Share this post


Link to post
Share on other sites

13- Degmada Xamar Jabjab

 

1. Afisyooni

 

2. Dukaanka Agoonta

 

3. Umbaratooriyo Ceel Gaab

 

4. Bakhaarka Deylaaf ee waddada Israac Co.

 

14- Degmada Waaberi

 

1. Dabka

 

2. Guriga Shaqaalaha

 

3. Naasa Hablood

 

4. Taleex waddada 3 Biyaano ka dhacda

 

15- Degmada Heliwaa

 

1. Ex-Koontarool

 

2. Shaqooyin joogto ah oo laga qabto degmada

 

16- Degmada Dayniile

 

1. Isgoyska Kuliyadda Ciidamada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fiiro Gaar ah: Isgoyska walba waxaa ka hawl galaya ciidamada Booliska, iyo xubno ka tirsan maamulka degmada, afarta waaxood ee ee degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana waax kasta oo ka mid ah afarta waaxood ee loo qaybiyey 16-ka degmo madax ka noqonaya mid ka tirsan Guddoomiye ku xigeennada gobolka Banaadir.

 

Isla maanta ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) waxaa lagu sheegay in laga billaabo maanta oo at taariikhdu tahay 6-da bisha Oktoobar ilaa 10-ka bisha Nofembar 2007 gaadiidka Magaalada Muqdisho laga doonayo inay gaadiidkooda u sameystaan taargo.

 

Wuxuu kale oo guddoomiye Maxamed Dheere ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadayaasha gawaarida inay la shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada iyo madaxda degmooyinka.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

GobolkaBanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalkii nabad sugida oo ka bilaabmay qeybo ka mida magaalda Muqdisho.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeybo ka mida maanta ka bilaabmay howlgal ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayaan ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanka ee jooga dalka Soomaaliya.

 

Howlgalkan ayaa haatan ka bilaabmay qeybo ka mida wadada warshadaha,iyo xaafadda Gubta,hase ahaatee waxaa uu yahay mid la doonayo in lagusii faafiyo xaafadaha Muqdisho oo dhan sida uu sheegay afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/waaxid maxamed xuseen.

 

“howlgalku waa bilow,laakin waxaan idin sheegayaa in uu magaalada oo dhan saameyn doono”ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/waaxid mxamed Xuseen.

 

Dhamaanba dhaq dhaqaaqa gaadiidka ayaa la hakiyay xaafadaha uu howlgalkani iminka ka soconayo,hase ahaatee dadka ayaa loo ogolaaday in ay is dhaadhaafi karaan,inkastoo ay wararku sheegayaan in markii uu howlgalku soo ballaarto ay imaaneyso inxaafadaha Muqdisho qaarkood isu socodka dadka xataa laga hakiyo.

 

Xafiiska warqaabdka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwa Itoobiya Oo Muqdisho Illaa Iyo Iminka Ka Wada Howlgallo Xoogan.

Posted to the MOL October 6, 2007, 9:02 am

 

Ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo qaarkood gaadiidka BL-ka laga joojiyay .

 

Inta u dhaxeeysa Suuqa Xoolaha iyo ilaa wadada warshadaha ayay howlgaladaasi ka socdeen , iyadoo labada ciidan ay qab qabteen tira dad ah oo aan la aqoon waxa ay geeysteen .

 

Waxa ayna ciidamada dowlada KMG ah iyo Kuwa Itoobiya ay baarayaan gaadiidka BL-ka , waxa ayna howlagaladaani yihiin kuwa illaa iminka socda , waxaana si weyn arintaani looga dareemay magalaada Muqdisho .

 

Howlgaladaani ayaa soo baxaya xilli maamulka gobolka Banaadir uu shaaciyay in magaalada berito ay ka bilaabanayaan howlgallo xoogan oo aan la shaacin qaabkooda .

 

16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayay howlgaladaasi ka bilaabanayaan , iyadoo ay soconayaan in muddo ah , waxaana lagu waramay in illaa 52 isgooys oo magalaada ah la dhigayo ciidamo kuwaasi oo fariisin ka sameeysanaya.

 

Qorshahaani amaan ayaa dhawaan waxaa ansixiayy golaha wasiirada , waxaana looga gon leeyahay dib u soo celinta howlaha nabad galyada gobolka Banaadir .

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

cidamadadowlada3.jpg

 

Howlgal balaaran oo bilaabanaya Maalinta berito

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 06-Oktober-2007

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in maalinta berito guud ahaan gobolka Banaadir ay ka bilaabayaan howlgallada amaan ee lagu soo celanayo nadad galyadii gobolka.

 

Maamulka gobolka Waxa uu sheegay in howlgaladaasi guud ahaan ay ka bilaabanayaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay soconayaan in muddo ah .

 

Qorshahaan amaan ayaa waxaa dhawaan ansixiyay golaha wasiirada dowlada , waxa uuna yahay mid si weyn uga duwan kuwii hore ee caasimada .

 

Waxaana maanta qeybo ka mid ah magalaada laga sameeyay howgallo baaritaano oo xitaa lagu barayay gaadiidka BL-ka , iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ay howlgaladasi dad ku qabteen.

 

Howlagaladaani ayaa maaanta si weyn looga fuliyay inta u dhaxeeysa wadada warshadaha illaa deegaanka Suuqa Xoolaha .

 

Iyadoo howlgaladaani ay bilaawdeen ayaa hadana xalay illaa maanta lagu dilay magalaada Muqdisho ilaa afar halka laba kalana ay ku dhaawacmeen .

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawlgalo ay wadaan Ciidamada DFKMG ee magaalada Muqdisho

Last Updated::2007-10-06 13:57:25

 

Muqdisho (HRNet):- Ciidamada DFKM iyo kuwa Ethiopia ayaa saaka hawl gal ballaaran ka bilaabay xaafadaha galbeedka ka ah wadada Warshadaha ayadoo hawl galkan uu qeyb ka yahay qorshahii dhinaca ammaanka oo dhawaan maamulka gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay.

 

Hawl galkan oo galay maalintii 3aad ayaa ku soo aaday xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo gaystay rag ay ku jireen ku xigeenka xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka iyo Genaral Axmed Jilicow Caddow.

 

Afhayeenka ciidamada booliska DFKM Gaashaanle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada DFKM ay saaka hawl gal ballaaran ka sameynayaan magaalada Muqdisho ayadoo hawl galkaasi uu socon doono muddo 20 cisho ah si loo sugo amniga magaalada.

 

Gaashaanle C/waaxid ayaa sheegay in hawl galkan looga golleeyahay sidii loo soo qaban lahaa kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka gaysta magaalada waa sida hadlka uu u dhigay ,laakiin waxaa muuqda in Saraakiisha Ciidanka DFKM ay u maaro la'yihiin kooxaha kacdoonka ka wadada Magaalada Muqdisho kuwaas oo kordhiyey Weerarada ay ku hayaan Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya.

 

Gaashaanle C/waaxidayaa sidoo kale sheegay in hawl galka si gaar ah looga sameyn doona xaafadaha galbeed ka xiga wadada Warshadaha iyo Suuqa Bakaaraha.

 

Ciidamada Ugandha ayaa sidoo kale lagu waday in ay ka qeyb qaataan hawlgalkan balaaran oo lagu adkeenayo amniga magaalada Muqdisho.

 

Paddy Akunda oo ah afhayeenka ciidamada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ugandha aysan hada qeyb ka ahayn hawlgalkan, isla markaana ay ku koobnaan doonaan illaalinta xarumaha dowlada iyo mas'uuliyiinta sar sare.

 

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dilal qorshayn oo ay gaysanayaan kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanay taas oo cabsi ku abuurtay dad badan oo degan Caasimada Muqdisho.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFKM & kuwa Ethiopia oo dad ka qabqabtay xaafadaha galbeedka ka xiga Wadada Warshadaha

Posted to the Web Oct 06, 14:56

 

Muqdisho:-Ciidamada Ethiopia & kuwa DFKM ayaa maanta hawl gal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho xilli maamulka gobolka Banaadir mar kale uu maanta ku celiyay in hawl gallo laga sameynayo magaalada Muqdisho.

 

Hawl galladan laga bilaabay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday xilli dilalka iyo weerarada lagu qaadayo masuuliyiinta DFKM, ciidamadooda iyo ciidamada Ethiopia iyadoo 24kii saac ee laga soo gudbay magaalada Muqdisho lagu dilay masuuliyiin.

 

Ciidamada DFKM iyo kuwa Ethiopia ayaa hawl galkii ugu ballaarnaa maanta ka sameeyay xaafadaha galbeedka ka xiga wadada Warshadaha ayadoo ciidamada ay dad kala baxeen xaafadahaasi inkastoo tiro rasmi ah aan la hayn.

 

Maamulka gobolka Banaadir oo maanta kulan la yeeshay taliyayaashii qeybeed ee dhawaan la magacaabay ayaa mar kale ku celiyay in laga bilaabo maanta uu si rasmi ah u bilowday hawl galkii lagu sugayay amniga magaalada ayadoo ciidamada DFKM oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay ka hawl galayaan dhamaan is goysyada xaafadaha Muqdisho.

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: La soco xaaladaha Muqdisho

6. Oktober 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday wajigii koowaad ee howlgalo ballaaran oo qeyb ka ah qoshe ay soo bandhigeen maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga amniga qaranka, kuwaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka fuliyeen deegaanada Carafaat, Ifka Xalan, Gubta wadada warshadaha iyo Suuq Bacaad iyagoo ku sameeyay baaritaano guri guri ah isla markaana xeray dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

 

Waxaa markii ugu horeysay la arkayey ciidamadaasi isbaheystay oo adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo isgaarsiin gaar ah oo ay ka fajaceen dadkii arkayey iyadoo xiligaasina ay ka muuqatay feejignaan iyo taxadir ay ka qabaan kooxaha weerarada geysta,waxayna guri guri u galayeen goob walba oo ay ka sameynayeen baaritaan adag.

 

Dhinaca kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay shax ay ku howlgalayaan ciidamada amaanka ee fulinaya howlgalka cusub ee Muqdisho maanta wajigiisa koowaad uu ka bilowday wadada warshadaha, shaxdaasoo muujineysay degmooyinka Muqdisho iyo isgoysyada wadooyinka sida ay u kala degayaan ciidamada isku darka ah kuwaasoo aan marnaba ka baxeyn inta uu socdo howlgalkan wax lagu qabanayo amaanka sida uu warbaahinta u sheegay afhaayenka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay sawirka shaxdaad iyo isagoo intaa raaciyay in howlgalo joogto ah laga fulin doono xaafadaha Heliwaa iyo Ex-Control.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Muxudin Cali Afhayeenka G/Banadir "52 Isgoys ayay CiiDamada Police-ka ka sameysan doonaan Saldhigyo rasmi ah Kadib marka ay Hawlgalada Toos u bilawdaan"

 

Kadib kulan adag oo sadex Geesood ah oo ay maanta ay isugu yimaadeen Taliska Police-ka, Maamulka G/Banadir iyo Saraakiil Ciidamada Nabad ilaaliyasha Ethopai

 

Aya mar kale lagu meelmariyey in ku dhawaad 52 Isgoys la dhigaa oo ay Saldhigyo rasmi ah ka dhigtaan Ciidamada Police-ka iyo kuwa Nabad sugida oo ay wehlin doonaan Saraakiisha iyo qaar Ciidamada Nabad ilaaliyaasha Ethopia ah.

 

Maxamed Muxiyaddiin Cali Afahyeenka Maamulka G/Banadir oo Kulankaasi kadib Saxaafada soo xaadireen Gudomiyaha G/Banadir Max'ed Dheere , Jeneraal C/qeybdiid,Taliyaha Nabad sugida Jeneraal Darwiish iyo sidoo kale Taliyaha Guud ee Qeybaha Boliska Gobalka Banaadir, Taliyayaasha 16-ka Saldhig Bolis ee Gobalka Banaadir, Taliyayaasha Nabadsugidda Degmooyinka, Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan magaalladda Muqdsihu.

 

Dhinacyada Maanta Kulankaa ka qeybgalay oo ay mideyso Dallada Amniga Qaranka ayaa Saxaafada u so bandhigay Shaxda iyo habka ay Ciidamada u dagayaan Isgoysyada Waxaana Shaxda Isgoysyada ay ahayd sidaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this