Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start

Recommended Posts

waaxid.jpg

 

Saacadaha soo socda oo uu Muqdisho ka bilaabmi doono howlgal baaxad leh oo amaanka lagu sugayo.

 

Masuuliyiinta ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in saacadaha inasoo aadan uu magaalada Muqdisho ka bilaabmi doona howlgal baaxad leh oo looga gol leeyahay in amaanka magaalada lagu adkeeyo laguna soo ciribtiro haraadiga argagixisada iyo qarandiidka.

 

Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah uga qeyb qaadanaya ciidamada nabad ilaalinta Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federalka Soomaaliya,waxaana uu sameyn doonaa marka ugu horeysa xaafadaha qaran diidka iyo taageerayaasgoodu ay aadka ugu badan yihiin,sida Suuq xoolaha iyo meelaha la midka ah.

 

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/waaxdi maxamed xuseen ayaa xaqiijiyay in ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa nabad ilalainta Itoobiyaanku ay maanta magalada Muqdisho ka bilaabayaan howlgal kii ugu ballaarnaa oo amanka lagu adkeynayo.

 

“Shalay ayay ciidanka qaranku smeeyen howlgal hor dhac ahaa oo lagu tijaabinayay bal in qaabka wx loo rabo ay ciidanku wax badan ka fahmeen,tijabadaana waa lagu guuleystay”ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed C/waaxid.

 

Howlgalka amaanka lagu sugayo ee saacaaha inasoo aadan bilaabanaya ayaa waxa uu kusoo begmayaa ,iyadoo maalintii shalay ay kulan muddo saacado ah socday yeesheen saraakiisha guddiga amaanka qaranka,taliyeyaasha ciidamada nabad ilalainta,guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo taliye yaasha ciidanka maamulka gobalka,wxaana kulankaa lagu dajiyay khidad cusub oo ku aadan qaabka looga taqallusayo haraadiga argagixiada iyo qaran diidka wali ku fir fircoon magaalada Mqudisho.

 

Ciidamada howlgalkan ka qeyb qaadanaya ayaa fariisimo ku yeelanaya in ka bdan 50 jeck point,oo ay hwolgalladooda ka qaadi doonaan,mudada uu soconayo howlgalka ballaaran ee lagu sugayo amaanka gobalka Banaadir.

 

Howlgalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay golaha wasiirrada dwoladda federalka Soomaaliya,waxaan goluhu uu sheegay in ay lagamamaarmaan tahay in amaanka Mqudisho gacanta lagu dhigo.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho oo amaankooda la adkeeyay

5. Oktober 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa guud ahaan la adkeeyay wadooyinka laamiga ah iyo kuwa jid cadayaasha ah ee soo gala magaalada Muqdisho gaar ahaan kontoroolka wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada jid caddaha ah ee soo gasha deegaanka Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale xeradii Masxlax iyo Ceel Cirfiid ayey degeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Itoobiya halka kuwa dowladda oo kaliya la dejiyay deegaanka Galgalato oo ah bar kontorool oo laga xukumo wadooyinka isku xera Muqdisho iyo gobolada dhexe.

 

Ciidamadan ayaa baaritaan adag ku haaya gaadiidka isticmaala wadooyinkaas kuwa ka baxaya iyo kuwa soo gelaya, iyadoo la arkayey gawaarida ka timaada gobolada dalka oo ku safan kontorooladaasi.

 

Caawa ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo qorshihii maamulka gobolka Banaadir uu soo bandhigay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay degaan dhamaan isgoysyada, saldhigyada Booliska iyo xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo sugi doona amaanka guud ee caasimada sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ahna agaasimaha warfaafinta Gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKMS oo Muqdisho ka bilaabaysa hawlgalkii ugu balaarnaa dhinaca amniga ee ay Muqdisho ka fuliso

Last Updated::2007-10-05 11:41:20

 

Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin oo u warramayay wargeyska Asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London ee xarunta daka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in DFKMS ay----

Muqdisho ka bilaabi doonto hawlgal kii ugu balaarnaa dhinaca amaanka ee ay abid ka fuliso magaalada Muqdisho

 

Waxaa afhayeenku u intaa ku daray in hawlgalkan ay si wada jir ah uga qayb qaadan doonaan kumanaal ka tirsan ciidamada milateriga iyo kuwa boliska ee DFKMS kuwaas oo la dhigi doono 52 isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho

 

Waxaa afhayeenkani uu intaa ku daray in hawlgalkan ay si toos ah dusha ugal socon doonto wasaarada arrmiha gudaha isla markana warbaxinaha hawlgaladan si toos ah loo gudbin doono madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed .

 

Hawlgalkan ayaa ka dameeyay kadib markii kooxaha ku kacsan dawlada ay kor dhiyeen weeraradooda ka dhanka ah ciidamada federalka iyo kuwa Ethiopia .

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka booliska ee dhinaca Saxaafadda oo maanta sheegay in Muqdisho laga bilaabay howlgalo

 

Cakaarra Friday, October 05, 2007

Xayeysiis

 

Saraakiisha amaanka dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay sheegeen in maanta magaalada Muqdisho uu ka hirgalayo gao’aan ay ku gaareen in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay howl-gallo lagu soo celinayo amaanka ka bilaabayaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska ee dhinaca Saxaafadda C/waaxid Max’ed Xuseen ayaa sheegay in maanta magaalada Muqdisho laga bilaabayo howl-gallo amaan sugid ah oo ay sameynayaan ciidamada dowladdaKMG ah.

 

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamada dowladda KMG ah ay shalay howlgalo hordhac ay ka bilaabeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir balse waxa uu sheegay in maanta uu toos u bilaabmayo howlgalka.

 

howlgaladan ayuu sheegay Afhayeenku inay fulinayaan ciidamada dowladda KMG ah isagoo dhinaca kalana sheegay in haddii loo baahdo ciidamada Itoobiya ay iyagana qeyb weyn ka qaadanaayan ammaan sugida gobolka Banaadir.

 

Guddiga ammaanka Qaranka, saraakiil Itoobiyaan ah iyo maamulka gobolka Banadir kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku sheegeen qodobo dhowr ah oo ku aadan sidii loo soo celin lahaa ammaanka, iyadoo qodobada ay soo saareen ay ku jirto in ciidamo ka tirsan dowladda la dajiyo in ka badan 50 barood oo ku taala Muqdisho.

 

Howlgalada ay ku dhawaaqeen guddiga ammaanka Qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan xaaladda ammaan xumo ee ka sii dareysa ee ka jirta magaalada Muqdisho iyadoo maalin walba gudaha magaalada ay ka dhacaan dilal kale duwan iyo weliba qaraxyo si toos ah loola beegsado ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya fariisimaha ay ku leeyihiin Muqdisho.

 

Cakaarra.com

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

1. whats the difference between this 'crack down' and the other 100 'crack downs'? and what makes you think this one will be successful?

 

2. when will the xabashis leave?

 

3. its almost 2009, have you applied for another job yet?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

1. This crackdown is more comprehensive, it deals with the real issue of security by creating the 50 check points to be manned by the police and military.

The divison of the city into four securty zones each led by one of the deputies of the mayor, also helps in maintaining control.

This is not a panacea, but it will address many issues. more boots on the ground will deter attacks and criminal activities.

1.i. The other crackdowns have worked in crippling the armed warlord groups, who previously could lead an open day attacks. Today they hide in the outskirts and rely on hand grenades.

 

2. The Ethiopians will leave sooner rather than later. as you might have read more AU troops are to arrive, from burundi. Things are moving forward.

 

3. 2009, insha Allah will be just the beginning of the end of lawlessness and hence many jobs will be available for talented young Somali's back home.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Duke are the boots on the ground your talking about Ethio or Somali? and are there any Daraawiish overthere? ifso tell them LA needs them and that they should pack their bags. Tell them AY betrayed them, tell them Cade Muse mismagned the region, tell them Puntland ran out of Laas Caanood at the first sign of trouble.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by me:

1. whats the difference between this 'crack down' and the other 100 'crack downs'?

LoL, its bulldog tactics saxib. People who dont like being occupied need to cracked down on and then WALLA the city is secure. Its called simple mindedness,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalo xoogan oo ka socda Caasimada Muqdisho.

 

Mogadishu ,6, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa itoobiyaanka ayaa waxaa ay saaka howlgalo baaritaan ah ka samaynayaan qeybo fara badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa itoobiyaanka ayaa saaka la arkayay iyaga oo kusugan qeybo fara badan oo ka mid Caasimada Muqdisho kuwaas howlo baaritaano ah ka samaynaya meelaha ay joogaan waxaana Ciidamadu ay xireen wadooyinka ay howlgalada ka wadaan oo idil oo ay u diideen dadka iyo gaadiidka.

 

Meelaha ay Ciidamada iskaashanaya saaka howlgalada ka wadaan ayaa waxaa mid ah wadada dheer ee warshadaha halkaasi oo ay saaka ku waabariisteen Ciidamo itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira.

 

Waxaa sidoo kale la arkayay gaadiidka dadweynaha oo maraya wadooyin qarjajeex ah oo xaafadaha dhexdooda ah.

 

Goobaha ay saaka baaritaanadu ka socda ayaa waxaa isaga fogaaday inta badan dadkii ku dhaqnaa gaar ahaan dhalinyarada wiilsha ah kuwaas oo ka baqdin qaba in loo qab qabto rabshadaha ka aloosan Caasimada.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliska u qaabilsan xariirka dadweynaha iyo saxaafadda C/waaxid ayaa sheegay in howlgaladaani ay sii socon doonaan inta buu yiri laga helayo ammaan buuxa.

 

Howlagaladaan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa xili Maamulka Gobolka Banadir ay soo diyaariyeen qorshe la doonayo in wax looga qabto xaalada Magaalada Muqdisho kaasoo ay ansixiyeen Golaha wasiirada Xukuumada fadaraalka KMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

update on the crackdown.

 

ME: The boots on the ground are mostly SOMALI, the Ethiopians will give what ever support required.

 

Armchair: There is no green or red zones in Mogadishu. And the clan court/warlords did not have Sadam hussains 400,000 strong army, this is not baghdad or even Ramade..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Amniga G/Banaadir oo soo saaray habka Hawlgelinta ee Isgoysyada Magaalada Muqdisho { 06 Oct 2007}

 

waxaa la daabacay Sat 06 Oct 2007 13: 42: 17

Shirkii saddexaad ee ay maanta isugu yimaadeen xubnaha guddiga amniga ee G/Banaadir, kana dhacay xarunta maamulka ee gobolka Banaadir ayaa waxaa looga dooday shan qodob oo kala ahaa:

1. Qorshaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir

 

2. Tirakoobka Ciidanka

 

3. Iclaaminta in baabuurtu qaadato taargo

 

4. Sameynta Foomamka baabuurta 4WD-ka ah.

 

5. Habka Sharci geynta Maxaabiista.

 

Gababadii kulankaasna waxaa lagu soo bandhigay tirada inta isgoys ee waddooyinka magaalada Muqdisho ee la dhigayo ciidamada si loo sugo amniga.

 

Shirkii maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere), ayaa waxaa ka soo qayb galay ku xigeennada Guddoomiyaha oo kala ah Mudane Cabdifataax Ibraahim Cumar Shaaweey oo ah ku xigeenka xagga Nabadgelyada, Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo ah ku xigeenka xagga arrimaha bulshada, Mudane Cumar Aweys Nuur (Dacas) oo ah ku xigeenka xagga hawlaha Guud iyo Mudane Cabdi Xaashi oo ah ku xigeenka xagga arrimaha dibuheshiisiinta, taliyaha Qaybta guud ee Booliska G/Banaadir janaraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal), Guddoomiyaha maxkamadda G/Banaadir Dr.Xaashi Cilmi Nuur, saraakiil ka socotay Ciidamada itoobiya iyo xubno kale ayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isgoysyada la shaaciyey in ciidamada la geynayo waxay kala yihiin kuwa hoos ku qoran:

 

1-Degmada Shibbis

 

1. Waddada nasiib Buundo

 

2. Isgoyska Nasiib Buundo

 

3. Isgoyska Beyxaani

 

2-Degmada Xamar Weyne

 

1. Isgoyska Martiini (Taliyaha Xarunta Gobolka)

 

2. Via Roma

 

3. Ceel Gaab

 

4. SYL (Maamulka Xamar Weyne oo kaashanaya Ciidanka Madaxtooyada)

 

5.Isgoyska Hooyooyinka (Maamulka Xamar Weyne oo kaashanaya Ciidanka Madaxtooyada)

 

6.Ex-Baarlamaan (Maamulka Xamar Weyne oo kaashanaya Ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir)

 

7. Café Nazionale

 

3-Degmada Hodan

 

1. tarebuunka

 

2. Cassa popalare

 

3. Isgoyska Bakaaraha

 

4. Warshadda Caanaha

 

4- Degmada Boondheere

 

1. Isgoyska Boondheere

 

2. Isgoyska Siinaay

 

3. Afarta Jardiino

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this