Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug, Ganacsato iyo Qeybo kale oo Gaaray Dekadda Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa maanta gaaray wufuud kale duwan, kuwaas oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Galmudug, xildhibaanno kala tirsan labada heer ee dowladda, ganacsato iyo qaar kale.
.
Ujeedka safarka madaxweyne Cabdi Kaariye Qoorqoor wufuiudda kale ayaa looga goleeyahay dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe u waday hoggaanka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo, taas oo dib loo bilaabayo.

Magaalada Hubyo ayaa waxaa lagu wadaa in ay gaaran wufuud kale iyo ganacsato ka qeybgalaya shirka ka furmaya halkaas ee looga arrinsanayo sidii magaalada looga hirgelin lahaa dekad caalamid, taas oo ay ka faa’iideystaan bulshada ku dhaqan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo ganacsada deegaanka ayaa muddooyinkii dambe juhdi badan galiyay sidii bulsho iyo maamul ahaan iskutashi loogu dhisi lahaa dekadda Hubyo, xilli wufuudda gaartay ay ku jiraan Enjineero ka shaqeeya dhismaha oo ka howlgali doona halkaasi.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this