Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ladies and Gentlemen, Siilaanyo is in Town

Recommended Posts

Gudoomiyaha X. Kulmiye oo Meel Fagaare ah kala Hadlay Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska

 

London (Somalilandpress)- Waxaa Xalay oo Sabti ah kadhacay magaalada London Galbeedkeda Shirbaladhan oo ay kasoo qaybgaleen Jaliyadda Somaliland ee kudhaqan waddankan Ingriiska, Shirkan Waxaa wadajir u qaban qaabiyay, jamciyadda kulmisa ururada Somaliland ee Yurub (SSE), ururuka mideeya Jimciyadaha Somnaliland ee UK (SSUK) ururka bulshada Somaliland ee galbeedka London iyo ururu kale oo badan.

 

· Waxaa ka soo qaybgalay dad aad u badan oo ka kale yimid magaalooyinka badan, oo isuga jiraya dhalinyaro, mutacaliimin, odayaal, ardayada iskuulada, siyaasiyiin, fanaaniin, sugaanyahanao iyo masuuliyiinta xisbiyada qaranka Somaliland.

 

· Waxaa kaloo ka soo qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo uu ka mid yahay, Charles Tannock, MEP,

 

Shrikan oo aan noocisa hore ugadhicin waddankan Ingriiska wuxuu ahaa mid siweyn usoo jiitay dhamaan dadkii kasooqaybgalay hadaba Guddomiye Siilanyo oo khudbad dheer halkaas kaso jediyay ayaa waxaa kamid ahaa khudbadaa.

 

Dhamaan waad mahad santahiin waxaan umahad naqayaa xubnaha iyo ururada soo qaban qaabiyay xafladan, Sidaad ogtahiin Somaliland waxay ahayd waddan madax banan todoba iyo tobankii sanno ee udanbeeyay nasiib xumo aduunku namuu anqoon san lakiin waxaanu qabsanay wax badan waxbadana way naga dhiman yahiin, Shacabkayagu way dadaalayan lakiin waxaa dhiman intii dawladu dhisilahayd, Waxaanu nahay Waddan qatay axsaabta badan lakiin nasiib xumo manta dimuquradiyadii aanu kufani jrinay waxaad mooda iney genbi kasii dhacayso.

 

Axmed Siilanyo isagoo hadalkiisi siiwata wuxuu yidhi maanta Dahir Riyaale wuxuu xukunka kali-talisnimada kaga dayanayaa wadamo Afrikaan ah, kagana caga jiidayo in dalka doorasho ka dhacdo, Muddadi Riyaale way dhamatay waxaanu ilaa manta leenay waar doorasho qabo oo nala tartan oo nasiibka qaad waddanka doorashu ubahan yahee hadhacdo waxba hakabaqin doorashada ee nala tartan.

 

Xukumada maanta way ilowdey wayna iska deysay ictiraafkii ay kahadli jirtay waxaan leeyahay Somaliland waa la-ictiraafaya insha allah malin bay noqon qarran aduunka kamid ah, meel kastana taas waanu umarayna Wuxuu yiri madaxweynuhu tageerayasha Kulmiye ayaa London naga mudaharada’yay waxaan leeyahay tageerayasha Kulmiye iyo Xisbiga Kulmiyeba wuxuu utagan yahay ictiraafka Somaliland kamana daalayno.

 

Siilanyo isagoo kahadlaya Xisbigiisa wuxuu yiri Insha allah Kulmiye doorashada wuu ku guulaysanaya talada waddanka isagoo umari doona doorasho iyo nidaamka axsaabta, Waxay dadka rer Somaliland heli doonaan sharafta iyo karaamadii ay xaqqa u leeyahiin ee ay mudada badan sugayeen’.

 

Axmed Siilanyo wuxuu kaloo kahadlay coladaha katagan Geeska Africa iyo iney tahay in Somaliland kafeejig naato isagoo sheegay in Somaliland kufaneyso allena ugu mahad naqeyso nabad galyadeeda: wuxuu ku dheeradey tariikhdii halgankii loo soo maray xoraynta Somaliland iyo SNM tasoo uu yiri waxaanu u hurnay lasoo noqoshadii xornimada dhiig farabadan wana taas maanta meel kasta aynu kaxusayno.

 

Guddoomiyuhu wuxuu ku dheeradey in aan waxba laga qaban arrimaha bulshada sida tacliinta cafiimadka shaqo abuurka, wuxuu amaanay kalintay Qurba-joogu kaga jiraan waddanka , wuxuu wax laga naxo kutil maamay sidey kusugan tahay Dekeda Berbera oo ahayd mid kufilan dhamaan Somaliland oo dhan isagoo sheegay in alba bada loo labay Xoolihii kadhoofi lahana loo wareejiyay Dekeda Jabuuti wuxuu aad uga deyriyay Musuq maasuqa kajira waddankii isagoo sheegay in dhulkii danta guud maamulku sii aan sharciga wafaqsanayn u iibiyo hanti dhawre guud oo madax banana aanu jirin wuxuu shegey in uu sulin doono musuq maasuqa markay talada waddanka qabtaan.

 

Waxaa kaloo shirka ka hadlay mas’uul ku hadlay magaca xisbiga UCID oo si wayn ug ahadlay baylahda ka muuqata maamulka xukuumada, uguna baaqaya ina doorashooyinka mar kale dib loo dhigin. Masuuliyiintii xisbiga UDUB ee lagu casuumay shirka may iman madashii Shirku kadhacayay yadoo anay soo sheegin sababta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Somali Pirate:

funny silanyo had the balls to confront siad barre and yet a simpleton like riyaale gets the better of him.

 

nice man but uktimately a fool.

Ma inuu jabhadeeyaad rabtaa? For what? for what reason?

 

He confronted Siyad Barre becuase his people were systematicly mistreaded, tortured and murdered.

 

Siilaanyo is well respected in his homeland and he will unseat the current president if his people vote for him democaraticly!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this