Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo laga bixiyay heshiiska xasaasiga ah ee ay galeen Somalia iyo Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_6405.jpeg?fit=960%2C540&ssl=1

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal.

Heshiiska cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU) ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Abraham Belay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiiskan, isaga oo sheegay in uu wax badan ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal.

Danjire Warfaa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan ay labada dowladood bishii September ay ku saxiixdeen Muqdisho, balse uu maanta si rasmi usoo dhameystirmay cusbooneysiintiisa.

“Heshiiskan is afgaradka ah waxaa markii ugu horreysay looga wada-hadlay oo lagu kala saxiixday shirkii guddiyada heer wasiir ee labada dowladood ay ku yeesheen bishii September ee sanadkaan magaalada Muqdisho, balse dhameystirkiisu wuxuu soo dhamaaday maanta oo markale dib loo cusbooneysiiyay lagana gaaray isfaham la xiriira iskaashi buuxa oo labada dal ka yeelanayaan arrimaha difaaca,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo laga duulayo iskaashigan iyo heshiiskan ku saabsan ee kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa lagu heshiiyay in kor loo qaado lana xoojiyo iskaashigan hadda jira ee ku saabsan arrimaha amniga iyo difaaca.”

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Guddiyada la dhisi doono waxay horumarinayaan, islamarkaana fududeynayaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia.

The post Xog cusub oo laga bixiyay heshiiska xasaasiga ah ee ay galeen Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this