Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha golaha Barlamaanka oo la kulmay Kuxigeenka Wakiilka Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha Barlamaanka oo la kulmay Kuxigeenka wakiilka Denmark
IMG-20231207-WA0002.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Xarunta Golaha Wakiillada ku qaabilay Ku-Xigeenka wakiilka Denmark ee Somaliland iyo Somalia Ms. Gertrud iyo Madaxa Xafiiska Denmark ee Somaliland Md Mathias.

Sidoo kale waxay wakiilku kulan la yeelatay Guddoomiyaha Gudida Diinta iyo arrimaha qoyska, kullamadan ayaa waxa isaguna kala qayb galay Xoghayaha Guud ee golaha Wakiilladda JSL Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Kullankan ayuu guddoomiyuhu uga xog waramay xaaladda guud ee dalka, dimuqraadiyada, adkaynta xidhiidhka labada dawladood.

Kullamadan oo labada dhinacba si wanaagsan ugu kala xog qaateen ayaa ku soo geba-geboobay is faham guud iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dawladood Somaliland iyo Denmark

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this