Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir lagaga hadlayay Arrimaha Naafada oo lagu Qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Yurub Abiib ayaa magaaladda Hargeysa ka furtay shir lagaga hadlaayey arrimaha Naafada.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Dallada Naafada Qaranka Somaliland,waxa sida oo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday Dallada ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF iyo marti sharaf kale,waxaana ugu horayn goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland,waxa aannay tilmaameen in kulankan ku saabsan yahay sidii dadka Naafada ah dhaqaalohooda kor loogu qaadi lahaa,madaama oo kulanadii hore lagaga hadli jiray caqabadaha dadkaas haysta.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa soo jeediyay in dadka Naafada ah laga khafiifiyo shuruudaha ay baananka maalgashiga sameeyaa ku xidhaan dadka,iyaga oo si gaar ah u tixgelinaaya dadka naafada ah.
Waxa isna halkaas ka hadlay Mawliid Maxamed Odawaa oo ku hadlaayey afka dadka Naafada ah,waxa aannu sheegay in dadka Naafada ah ee caalamka ku nool ay yihiin 50%,halka ay Somalilandna dadka Naafada ah ee ku nooli badan yihiin,isaga oo intaas raaciyay in dadka naafada ahi ay kordhaan maalin walba,madaama oo shilalka gaadiidku dalkeena ku badan yihiin.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame,Guddoomiyaha Dallada ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo isna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey ururada iyo wasaaradda Shaqo-gelinta,kaalinta weyn ee ay kaga jiraan wax u qabashada dadka Naafada ah.

Ugu dambayntii waxa goobta ha hadashay wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Yurub Abiib,waxa aanay u soo jeedisay shirkaddaha ganacsiga iyo baananka maalgelinta sameeyay in ay gacan qabtaan dadka Naafada ah,isla markaana ay maalgelinta ay sameeyaan u fududeeyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this