Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash oo taageeray Go’aankii Isimada SSC ee Arrimaha doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
karaash.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si buuxda u taageeray go’aankii Isimada SSC ku xalliyeen khilaafka doorashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale bogaadiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo saaka ansixiyay Go’aankii Isimada SSC ee ahaa in Baarlamaanka hadda jooga lagu galo doorashada 2024.

“Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay”.

“Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Warka Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo baxay kadib markii uu saaka shir gaar ah la yeeshay Xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Gobollada SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Axmed Karaash oo taageeray Go’aankii Isimada SSC ee Arrimaha doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this