Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Senate Kenya oo ka Hadlay Muhiimada Xidhiidhka ay la Leeyihiin Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Senate Kenya oo ka Hadlay Muhiimada Xidhiidhka ay la Leeyihiin Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Golaha Senate-ka Kenya Mudane Amason Kingi, ayaa meel adag iska taagay muhiimada ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Guddoomiye Amason Kingi oo Salaasadii la kulmay Danjiraha Somaliland u fadhiya Nairobi Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani), ayay warbaahinta Kenya aad u faallaysay, waxana warbixin ka qoray Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi, oo tilmaamay in Guddoomiyaha aqalka Senateka Kenya uu Wakiilka Somaliland ku sheegay “Safiir” iyadoo Xukuumadda Kenya aanay aqoonsanayn Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Senate-ka Kenya, wuxuu sheegay in dalkiisa iyo Somaliland ay ahaan jireen laba dal oo xidhiidhkoodu taariikhi yahay isla markaana xilligii gumaystaha uu wada xukumi jiray Ingiriisku.

“Waxaanu ka wada hadalnay sidii aanu xidhiidh cusub u yeellan lahaayeen labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya iyo Laamaha kale ee dawladda sida labada Baarlamaan,”ayuu Mudane Amason Kingi oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka ay warbaahinta Kenya aad u baahisay.

Guddoomiyaha aqalka Senate-ku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Iskaashiga Somaliland iyo Kenya waxa uu ahaa mid tobanaankii sannadood ee la soo dhaafay la sii xoojinayey kaasi oo u dan ah labada shacab.”

Waxa kaloo uu caddeeyay inay Safiirka Somaliland ka wada hadleen kor u qaadista iskaashiga ganacsiga iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka labada shacab iyo baddeecadaha ganacsiga ee u kala gudbaya labada waddan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this