Deeq A. Posted December 7, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan golaha. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka oo 31 sano kadib laga qaaday Soomaaliya. Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha ammaanka ee QM ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna, taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxda Al-Shabaab. Xubnaha golaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan heleyso fursad muhiim ah oo ay hub waa weyn kusoo iibsan karto, sidoo kalena lagu qalabeyn karo ciidanka Xoogga dalka. Intaas kadib waxaa shirka lagu soo qaaday arrimaha amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka ka da’aya dalka. Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda. Soomaaliya ayaa waxaa todobaadkii ugu dambeeyay usoo hoyday guullo waa weyn, sida ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrka, qaadista cunaqabateynta hubka oo ay Golaha Ammaanka u codeeyeen, sidoo kale waxaa haatan la sugayaa dhameystirka deyn cafinta. The post Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites