Deeq A. Posted December 7, 2023 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada. Karaash ayaa kasoo horjeestay go’aankii uu xalay shaaciyay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee qabashada doorasho qof iyo cod, uuna diyaar u yahay in la qabto doorashadii horay ugu soo caanamaashay Puntland ee xildhibaanada. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ganafka ku dhuftay go’aankaasi, wuxuuna taas beddalkeeda la saftay xildhibaanada Golaha Wakiilada oo maanta ku darsaday hal sano oo dheeraad ah, iyaga oo ka duulaya bayaankii ay soo saareen Isimada Dhaqanka ee SSC. Sidoo kale wuxuu Axmed Karaasha ku bogaadiyey Golaha Wakiilada ansixintii xalka ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland. Waxa kale oo uu taageerey in Baarlamanka hadda jooga ay doortaan madaxweynaha cusub iyo Kuxigeenkiisa, marka la gaaro 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2024-ka. “Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku. Waxaa kale oo uu raaciyay “Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay”. Arrimahan ayaa kusoo aadayo saacada uun kadib markiimadaxweyne Deni uu shaaciyay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee aheyd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu doorashada ku qabto waqtigeeda, iyada la raacayo nidaamkii hore. Si kastaba, tallaabada baarlamaanka iyo go’aanka Karaasha ayaa weji kale usii yeelaya xiisadda, waxaana sidoo kale laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha iyo xubnaha mucaaradka ee ku aadan arrimaha soo kordhay, kadib muddo kororsiga baarlamaanka.The post Axmed KARAASH oo kasoo horjeestay DENI, lana saftay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites