Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: 6 ka mid ah 11 qof oo Shabaab ay ka afduubteen beesha Sacad oo caawa…

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3655-Copy-1536x1024-1.jpg?fit=1536%2

Wisil (Caasimada Online) – Deegaanka Bajeela ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu soo bandhigay 6-qof oo ka mid ahaa 11 qof oo labo sano ka hor ay Shabaab ka afduubteen duleedka degmada Wisil ee gobolka Mudug.

11-kaan qof oo Shabaab ay afduubteen sanadkii 2021-kii, waxay u dhasheen beesha Sacad ee Habargidir, waxayna kooxdu dalbatay xiligaas in beeshu ay ka baxdo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Beesha Sacad ayaa iska diiday dalabkii Al-Shabaab, waxayna u cadeeyeen in dagaalka aysan ka bixi doonin, iyagoo ku yiri “Sidaa doontaan ka yeela dadka aad maxaabiis ahaanta nooga heysataan.”

Labo sano kadib, caawa waxaa timid lix qof, waxayna sheegeen in shantii kale ay kooxdu dishay, dadka qaar waxaa la sheegay inay toos u dileen, halka dadka qaar ay baahi ugu dhinteen xabsigii Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkaan uga carartay saldhigyadoodii deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, kadib markii ay u adkeysa waayeen culeyska kaga yimid ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka.

6-da qof ee maxaabiista ah oo labo sano kadib caawa u yimid dadkoodii, waxay sheegeen in Shabaab ay soo wajahday cabsi aad u badan, isla markaana ay isaga carareen inta badan deegaanadii ay ka joogeen koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Mudug isugu geysay cudud ciidan oo aad u badan, halkaas waxaa horay ugu diyaarsanaa daraawiishta Galmudug iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Koonfurta gobolka Mudug deegaano faro ku tiris ah oo ay ka mid yihiin, Caad, Dabagalo, Dumaaye, Miiroon iyo Jowle ayey ka joogtay kooxda Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa inay baneeyeen inta badan deegaanadaas oo ay isugu tageen Caad iyo aagga Shabeelow.

Maalmaha soo socda waxaa la sheegay in deegaanadaas ay ka bilaaba doonaan dagaallo cagta lagu marinayo kooxda, ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay ayaa ku diyaarsan deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo buuraha ku teedsan deegaanka Shabeelow.

WhatsApp-Image-2023-12-06-at-8.59.10-AM. WhatsApp-Image-2023-12-06-at-8.59.09-AM- WhatsApp-Image-2023-12-06-at-8.59.09-AM- WhatsApp-Image-2023-12-06-at-8.59.09-AM. WhatsApp-Image-2023-12-06-at-8.59.08-AM.

The post Sawirro: 6 ka mid ah 11 qof oo Shabaab ay ka afduubteen beesha Sacad oo caawa… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this