Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo lagu xukumay in uu $50 bilyan oo Magdhow ah ka bixiyo dilkii Qasem Soleimani

Recommended Posts

Deeq A.   
e5748f98-56ea-44d6-9804-351cfd930ae5_w40

Maxkamad ku taalla Tehran ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka in ay bixiso ku dhawaad $50 bilyan oo ah magdhowga dilka taliyihii ugu sarreeyay Iran ee ku dhawaad afar sano ka hor.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasem Soleimani, oo 62 jir ahaa, iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020.

Maalmo kadib, Iran ayaa ku aargudatay inay gantaallo ku ridday saldhigyo ku yaalla Ciraaq oo xarun u ah ciidamada Mareykanka iyo xulufadooda. Ma jirin wax shaqaale Mareykan ah oo ku dhintay weerarada balse Washington ayaa sheegtay inay maskaxda ka gaareen dhaawac argagax.

Wakaaladda wararka waaxda cadaaladda Iran ee Mizan Online ayaa sheegtay in maxkamadda Tehran ay ku xukuntay dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo lagu xukumay in uu $50 bilyan oo Magdhow ah ka bixiyo dilkii Qasem Soleimani appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this