Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil loo geystay Wiil iyo Abtigii oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan oo ah budhcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaalida ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay budhcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtii oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxiin Xasan Cali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka South Afrika ayaa dilka kadib gaadhay goobta lagu dilay labada Marxuum, kuwaas oo sameeyay baadhitaano kooban oo ayna kasoo bixin wax natiijo ah.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal si joogta ah loogu geystay muwaadiniinta Soomaalida ee u shaqo tagay dalkaas Koonfur Afrika oo ayna jirin cid wax ka qabaneysa.

Bilaha ugu dambeeya sannad walba Koonfur Afrika waxaa lagu dilay tirada ugu badan ee ganacsatada Soomaaliyeed, maadama budhcada ay doonayan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan maalmaha Kirismiska, taasoo keenta inay budhcada kordhiyaan dhaca iyo dilalka ay ku hayaan Soomaalida

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this