Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Isimmada Dhulbahante oo fashil kusoo dhammaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Isimmada dhaqanka beesha Sool clan ee hormoodka ka ahaa xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka maamulka Puntland ayaa shalay kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee muddo xileedkiisa ay ka hadhsan tahay maalmaha kooban.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Isimadda Sool clan ayaa madaxweynaha u direy guddi kaas oo sidey hal fariin oo ah: haddii aan nahay isimmada, culimada iyo bulshada kale waxaan rabnaa in aan ku dhawaaqno xalka doorashada, sidaas darteed ka hor inta aanan ku dhawaaqin waxaan madaxweyne kaa codsaney in aad kalsooni na siiso, haddii aad kalsooni na siiso oo aad ku kalsoonaato go’aankayagu ma noqon doono mid kuu darnaan doona.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystey inta aanu kalsooni siinin in loo sheego go’aanka lagu dhawaaqi doono, taas oo isimmadu madaxweynaha uga jawabeen in kalsoonidu ayna sidaa u shaqeyn, laakiin uu niyadda kheyr u sheego oggolaado in uu bixiyo kalsoonida.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey in uu ku kalsoonaado, waxaana uu ku yidhi Isimmoow dhaqan ayaad tihiin, waxaan waa siyaasad waxay u baahan tahay shuruuc, sidaas darteed iskaga baxa anniguna idinkuma kalsooni in aad talladeyda idinku wareejiyo. Isimmada ayaa xusuusiyey Madaxweynaha in wakhtigiisi dastuuriga ahaa dhammaad yahay, loona baahan yahay xal.

Waxaa hadda shir u socdaa Isimmada Sool clan kaas oo ay isku wargelinayaan, waxaa la sugayaa 24 saacadood ee soo socota in ay ku dhawaaqaan go’aanka.

Hore waxaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu gacan saydhey Isimmada Puntland oo ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxa uu ka tallo ka diidey Culimada Puntland oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Sheekh Cabdi, sidoo kale waxa uu diidey talladii ganacsatada Puntland ugu waaweyn oo ay hoggaamineysey Rugta Ganacsiga Puntland.

Kalfadhigii baarlamaanka waxaa ka dhiman afar maalmood oo keliya, Xeerkii doorashada qof-iyo-cod ma haysto madaxweynuhu oo banaanka baarlamaanka ayuu ku qoyey, ma jirto sifo sharci ah oo uu ku dhaafi karo 8 January ilaa hadda iyo nooc doorasho oo la isla oggol yahay, waxaana xaaladda Puntland uu ka dhigey hubanti la’aan aan jiho iyo jid lahayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this