Deeq A. Posted December 6, 2023 DHAMBAAL TACSI AH: 05/12/2023. INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo Shacbiga Somaliland, gaar ahaan bahda Garsoorka ee uu ka baxday, AHN marxuum Sh. Axmed Aw Xuseen Sh. Maxamed, oo ahaa guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Sallaxley, oo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, asxaabta iyo bahda Garsoorka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites