Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tacsi diraaya

Recommended Posts

Deeq A.   

DHAMBAAL TACSI AH: 05/12/2023.
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo Shacbiga Somaliland, gaar ahaan bahda Garsoorka ee uu ka baxday, AHN marxuum Sh. Axmed Aw Xuseen Sh. Maxamed, oo ahaa guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Sallaxley, oo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, asxaabta iyo bahda Garsoorka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this