Sign in to follow this  
General Duke

Breaking news: President Yusuf to resign on Saturday...

Recommended Posts

Baydhabo: Ciro oo shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf.

25. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Cabdi (Ciro) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay suuragal in uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, markii ay talo ahaan usoo jeediyeen Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ciro ayaa sheegay in ay taladan siiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku been ka abuurtay Mr. Yuusuf kuna eedeeyeen in uu ka soo horjeedo dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu sheegay Xildhibaan-kuye.

 

Mudahan baarlamaan ayaa usheegay dadkii wararkaasi faafiyey in ay arintaasi cadaan doonto, maalmaha fooda nagu soo haya, gaar ahaana Maalinta Sabtida ah oo lasheegayo in uu iscasiliyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay in iscasilaada ka dib Madaxweyne Yuusuf gaarayo deegaanada Puntland oo ay ka socdaan doorashooyinka Madaxweyne-nimo, markaasna uu doonayo in uu dusha sare kala socdo sida ay udhacdo doorashadaasi, wuxuuna horey uga sheegay Caasumada Puntland in uu goobta joogi doono Hadii Alle Idmo.

 

Mudane, Ciro ayaa beeniyey wararka sheegaya in ay dawlad gobaleedka Puntland ka go'ayso Soomaalida kale, markii ay Soomaalida kale waxba qaban waayeen ama ay raaci waayeen dadaaladii kala duwanaa ee la sameeyey.

 

Xildhibaanka oo la hadlayay Idaacada VOA-da qeybteeda Lahadasha Soomaaliya ayaa warkan ku sifeeyey, in Baarlamanaka Soomaaliya uu Madaxweynuhu hor tagi doono hadii Eebe yiraahdo Maalinimada Sabtida ah oo ay naga xigto beri oo kaliya, Hadii Alle Idmo.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this