Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaywaanka Fadhaan fadhka noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Daraassada ay sameeeen saynisyahanno ayaa muujinaya in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudurka Kansarka.

cb567c40-937a-11ee-91bf-230bfab3fcba.jpg

Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika sida Soomaaliya, iyo keymaha ayay khuburradu sheegeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

Cilmi baaristaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayawaanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudurka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.

Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheeraay oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.

Waxaa ka mid ah meelaha laga helo kaymaha Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan halkaasi ku noolaa xayawaanka ka hore xilligii gumeeysiga iyo haddaba ayada oo qaarkood xayawaanka uu nolaan karo ku dhawaad dhowr boqol oo sano.

Sidoo kale waxaa uu xaywaanka faa’iidooyin u leeyahay deegaanka, iyo kala duwanaanshaha noolaha bin’aadmka.

Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in burooyinka qolfoofta ah ee faranfarka ay faa’iidooyin gaar ah u leeyihiin cilmi-baarista caafimaadka iyo daaweeynta kansarka nooc walba oo ka mid ah .

Khubarro ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa soo jeedinaysa in xayawaanka uu la falgalayo nidaamka unugyada oo ay ku jiraan hab-dhiska difaaca jirka iyo ka hortagga cudurrada, kuwaas oo dhamaan diiday in kansark uu faafo .

Tijaabo lagu sameeyay Jaamacadda Cambridge, cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen 79 unug oo kala duwan oo ku saabsan qaab-dhismeedka gudaha ee unugyada kuwaas oo laga soo qaatay mindhicirka, kelyaha, beeryarada, sambabbada iyo unugyada maqaarka ee xayawaanka .

Heerka dhimashada aadanaha ee cudurka kansarka ayaa korortay sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal ka tirsan Jamaacada Cambridge.

Sidoo kale daraasaddaan waxaa lagu ogaaday in xayaawaannada kale ay suuragal tahay in uu ku dhaco xanuunka kansarka laakiin faraanfarka ay aad ugu yar tahay in uu ku dhaco xanuunka oo ay naadir tahay.

Cilmi baaristaan waxaa laga sameeyay inta badan adduunka oo dhan waxaa natiijada ay muujinaysa in xanuunka kansarka ay suuragal tahay in daawo loo helo.

Dadaallada lagu doonay in lagu sameeyo daawo wax ku ool ah oo cudurka kansarka loo helo ayaa socad muddo dheer, waxaana khubarro kala duwan sanadkii hore ay sameeyn tijaabo rajo weyn laga qabo in ay noqto mid guul ah.

Haddii cilmi-baaristaan ay noqto mid waxtar leh waa rajo wanaagsan oo loo helay xanuunka kansarka oo sanad kast ay u dhintaan kumannaan qof guud ahaan adduunka oo dhan.

Mala daaweeyn karaa kansarka?
Faranfar
 

Dad badan, marka ay maqlaan kansarka, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah oo dhibaato xun leh.

Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada xanuunkaan ayaa krdhay sababo la xiriira ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta uusan aad jirka kale ugu faafin.

Dhanka kale way adagtahay in xanuunka kansarka la daaweeyo haddii aan la ogaan marka uu yahay heerarka hore oo dhammaan uu jirka kuwada faafo, balse daraasadda cusub ayaa rajo ka muujinaysa xayawaanka loo isticmaali karo si xanuunka looga guuleeysto.

 

 

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this