Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Furay Mashruuc ay ka Wada Shaqeynayaan Jaamacada Hargeysa iyo mid ku Taalla Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Furay Mashruuc ay ka Wada Shaqeynayaan Jaamacada Hargeysa iyo mid ku Taalla Denmark

Hargeysa(Qaran news)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa furay mashruuca horumarinta Jaamacadaha PSU, kaasi oo ah mashruuc ay ku midoobeen kana wada shaqaynayaan Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadaha ku yaala dalka Denmark.

Mashruucan ayaa waxaa awooda lagu saaray sidii jaamacadda Hargaysa ay u samayn lahayd Cilmi baadhiyo xoogan oo dhinaca arrimaha maamulka iyo dhaqaalaha ah.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay marshuucan oo uu sheegay inuu uu yahay mid waxtar wayn u leh jaamacadda iyo dalkaba, waxaanu sheegay inuu wax wayn ka badeli doono cilmi baadhista jaamacadda Hargaysa waxaanu yidhi

‘’Waxaan u mahad naqaynaa dallada Jaamacadaha dalka Denmark oo hawshani wad aiyo Jaamacadda Hargaysa oo hawshan ay ka wada shaqayn doonaan, aad iyo aad ayaan ugu mahada naqaynaa Denmark, intan aan maanta joogno maahee Qarankeena wax badan ayay nagala shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin, Dimuqraadiyada, mashaariicda ‘’JPLG’’ la yidhaahdo, mashruuca la yidhaan Somaliland Development Fun, mar walba horumarka kala duwan ee dalka hormood bay ka yihiin dalka Denmark aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirka iyo intan la socotaba.

Runtii hawshani waah awl aad iyo aad qiimo badan, waxa weeye dhisid Jaamacadd awood leh, waxa ay ina tusaysaa inay samayn karto wax yaabaha aynu u baahnayn inay wax badan ka qabato caqabadaha ama dhibaatooyinka dalka ka jira iyaga oo samaynaya cilmi baadhis’’.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this