General Duke Posted March 28, 2008 Baraawe: Ciidamo Itoobiyan ah iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo maanta tagay Degmada Baraawe. 28. Baraawe (AllPuntland) - Ciidamo Itoobiyan oo aad u fara badan iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa maanta tagay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dhowr Kolonyo oo siday saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Degmada Qoryooley ayaa saaka halkaas ka soo dhaqaajiyay, iyagoona u gudbay dhinaca Koonfur ee Gobolka Shabeelaha hoose. Ciidamada ayaa markii ay tageen magaala xeebeedka Baraawe waxay la hadleen odayaasha deeganka iyo maamulka degmada, waxaana ay kala hadleen arrimaha ammaanka. Wararka waxay shegayan in ciidamadan dageen meel 5km u jirta magaalada, halkaasoo ah afaafka looga galo magaalada, waxaana la ogeyn inta sii joogi doonaan. Ciidamo Itoobiyan ayaa maalmo ka hor tagay Xarunta Gobolk shabeelaha hoose, halkaasoo maalmo kooban kadib isaga soo tagay. Tagitaanka Baraawe ee Ciidamada ayaa lagu sheegay kormeer dhinaca ammaanka ah iyo baadigoob la sheegay in ay ugu jiraan kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo deegaanada shabeelaha hoose laga soo sheegay maalmihii u dambeeyay. cabdicasiis Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 28, 2008 Ciidamo raadinaya Indhacade 28 Mar 28, 2008 - 8:29:36 AM Ciidamo Ethiopian ah oo wata 30-gaadiidka dagaalka ay ahaa maanta gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo tuulooyinka ku hareeraysan, iyadoo la sheegay inay goobahaas baaritaanno ka wadaan. Wararka laga helayo maamulka Gobolkas ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaan ay sheegeen inay ku raadjoogaan Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad [indho-cadde] oo ay rumeysan yihiin inuu ku sugan yahay deegaanno hoostaga degmada Baraawe oo ay maanta gaareen. Ma jiraan cid ay weli qabteen, waxaase la sheegay in baaritaannadooda ay gaarsiisan yihiin ilaa deegaanka Mudul-Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose. Xubno ka tirsan mamulka Sh/Hoose ayaa waxay la socdaan ciidamada Ethiopia, waxaana cutubo ka mid ah ay ku sugan yihiin gudaha degmada Baraawe, iyagoo la xusay inay aad u feejigan yihiin. Ma jiraan goobo rasmi ah oo ay ciidamadas ka dageen gudaha Degmada Barawe, waxaase ay sheegeen dad ka mid ah kuwa degmadaas inay ciidamadu ku sugan yihiin waddooyinka waaweyn ee Baraawe. Dadka ayaa waxay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn si ay u arkaan ciidanka gaaray degmadoda markii ugu horreysay, inkastoo ay sannadkii hore socod ku mareen Baraawe iyagoo kusii jeeday Gobollada Jubbooyinka oo ay Maxkamaduhu haysteen. Ciidamada gaaray Baraawe ayaa waxay ka ambabaxeen degmada Qoryooley oo ay shalay isugu urureen, iyadoo Qoryooley ay weli ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo. Lama oga in ciidankaan gaari doono magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose iyada oo maanta halkaas gaarey Xildhibaan Barre Hiraale. Garowe Online, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 28, 2008 Clown chief is hiding in the region he used to control through his clan militia. Irony Quote Share this post Link to post Share on other sites