Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe oo mushaar la’aan ku dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   
puntland-logo.jpg?resize=640%2C350&ssl=1

Mushaar la’aan ayaa sida wararku caddaynayaan soo food-saartay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in shaqaalaha kala duwan ee degmada Garoowe aysan wax xuquuq iyo mushaar ah helin bilihii u danbeeyay.

“Mushaar la’aanta ka jirta meesha ayaa niyad-jab ku keentay shaqaalaha maadaama aysan garanayn sababta loo siin waayay xuquuqdoodii” sida aan ka xigannay ilo wareedyo madax-bannaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta degmada Garoowe aysan weli caddaynin waxa sababay mushaar la’aanta soo wajahday shaqaalaha dowladda hoose.

PUNTLAND POST

The post Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe oo mushaar la’aan ku dhacday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this