Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Mucaaridka ku eedaysay in aysan diyaar u ahayn wada-hadal

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi_Faarax_Saciid_Juxa.png?resize=662%

Dowladda Puntland ayaa siyaasiyiinta Mucaaridka ah ku eedaysay in aysan diyaar u ahayn wada-hadal, si loo xalliyo muranka arrimaha doorashada.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo madax u ah guddi madaxweyne Deni u magacaabay wada-xaajoodka Arrimaha doorashada ayaa eeddaasi u jeediyay Mucaaridka.

“Madasha Mucaaridku way ka caga-jiidday in ay nala fariisato, waana diideen in ay nala xaajoodaan, waxaana muuqata in aysan wada-hadal diyaar u ahayn” ayuu yiri wasiir Juxaa oo wareysi siiyay Radio Daljir.

“Annagu xalka waxan u arkaynay dee in la wada-hadlo, haddaan la wada-hadalna xal ma imaan karo. Haddana waxaan weli ku baaqaynaa in la wada-hadlo oo miiska la isugu timaado” ayuu sii raaciyay wasiir Juxaa.

Dhinaca kale, dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka Puntland weli kama jawaabin eedaynta uga timid dhinaca dowladda ee ku saabsan in aysan diyaar u ahayn wax wada-hadal ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo Mucaaridka ku eedaysay in aysan diyaar u ahayn wada-hadal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this