Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada SSC oo hadda xarunta Madaxtooyada Garoowe kula shirsan Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   
Odayaasha-Laascaanood.webp?resize=720%2C

Qaar kamid ah Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa hadda xarunta Madaxtooyada Garoowe kula shirsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Kulanka Isimada SSC iyo Madaxweynaha ayaa looga hadlayaa xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Arrimaha doorashada Puntland ee 2024.

Isimada SSC-khaatumo ayaa ku hawllan  dhex-dhexaadinta dowladda iyo  siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku muransan nooca loo galayo doorashada Madaxtinimada Puntland.

Waxay sidoo kale hore Kulamo ula yeesheen dallada ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaridka oo ay kala hadleen xal u helidda Khilaafka taagan.

Isimada SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in Kulamadan kadib ay soo saaraan go’aanno lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada Puntland si looga baaqsado qalalaase amni.

PUNTLAND POST

The post Isimada SSC oo hadda xarunta Madaxtooyada Garoowe kula shirsan Siciid Deni iyo Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this