Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland oo soo qabatay raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay koox rag ah oo maalmihii dambe dilal qorsheysan ka gaysanayay caasimada Somaliland.

Ciidanka amniga ayaa howlgal kusoo qabtay laba eedeysaney oo loo haysto inay ka dambeeyay dilal si abaabulan loogu gaysanayay darawallada ka shaqeeya Takaasida.

Labada eedeysane ayaa waxaa kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna 22 sano jir ah, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar  oo ahaa wadaad jir ahaa

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah

1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir

2- Ayaanle Muxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay  Marxuumka dileen  ,  marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan  (Probox-ta) ,  waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee.

Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay  sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska .

Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii  Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane  Mustafe Cali Cabdilaahi  kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka  qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay  waxii ku jiray kala baxeen.

Ciidanka Boolisku waxuu  degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi .

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada  ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay  taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana  degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this