Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dhalinyaro Soomaali ah oo si qasab ah loogu daray ciidanka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid kamid ah ardayda Soomaalida ee ku nool dalka Belarus ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay xaaladda dhalinyaro Soomaali ah oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo haatan ku dhibaateysay dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Wiilkan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas Soomaalida ahi ay waajahayaan xaalad adag, qaarkoodna lagu daray ciidanka Ruushka.

“Walaalow meeshaan waxaa ka jira dhibaatooyin badan, gaar ahaan dalalka Ruushka iyo Belarus waxaa jira dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo waddankii kasoo cararay oo nolol usoo raadsaday waddamada Yurub, waxaase ka haysta Problem badan, dadka ugu badan waxay ku dhiban yihiin xuduuda Belarus & Poland” ayuu yidhi Ardayga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa raaciyay “Dadkaas Soomaaliyeed waxaa ku jira dumar, carruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, hadda cisbitaallada Belarus waxaa yaalla dumar Soomaaliyeed oo inta qabowga ka batay lugihii laga jaray, waxaa jira kuw kale oo qaliimo hadda ku jira”.

Isaga oo ka warbixinayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida qasabka ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka ayaa waxa uu sheegay inay gaadhayaan siddeed qof, kuwaas oo uu tilmaamay in loo wado dhanka dalka Ukraine, si ay uga dagaalamaan halkaasi.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qof ah oo ciidanka Waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu mar kale yidhi ardaygu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan dhalinyaro kale oo gaadhaysa 60 qof oo ku xidhan caasimada Moscow, iyagana ay suuragal tahay in lagu daro ciidanka Ruushka.

“Dhalinyaradaan hadda, haddii aan laga soo gaadhin kuwa xabsiyada ku xidhan sida aan hadda xogta ku haayo xasbiga caasimada Ruushka waxaa ku xidhan 60 dhalinyaro ah oo loo badinayo in ciidankaas lagu daro, haddii aysan soo gaadhin dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyay safaaradda Soomaaliyeed inay ka gaabisay wax u qabashada dadkaas Soomaaliyeed, wuxuuna farriin usoo diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu soo gurmato dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee dhibaatada waajahaya, kuwaas oo doonayay inay tahriib ku galaan dalalka qaaradda Yurub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this