Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo xayiraad duldhigtay Imaamka Masaajidka Al-Aqsa

Recommended Posts

Deeq A.   

Sirdoonka Israa’iil ayaa weerar ku qaaday guriga Sheekh Ekrima Sabri oo ah daaciga Masaajidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus, waxayna kusoo rogeen xayiraad dhanka socdaalka ah, sida uu sheegay qareenkiisa maanta oo Isniin ah.

Waxa uu sheegay in daaciga Masaajidka Al-Aqsa uu waajahayo olole ciqaab ah oo ay wadaan Israa’iiliyiinta garabka midig.

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay dumin doonaan gurriga uu degen yahay.

“Gurigiisa ayaa la weeraray Axadii si loogu dhiibo amar dumis ah dhismaha uu ku nool yahay maantana waa laga mamnuucay inuu safro,” qareenka ayaa yidhi.

“Xadgudubyada ka dhanka ah daaciga waa isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo codkiisa, kaas oo si geesinimo leh runta ugu dhawaaqaya,” ayuu yidhi Qareenkiisa Khaled Zabarka.

Daaciga oo 84 jir ah ayaa waxaa dhowr jeer xidhay Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inuu galo Masaajidka Al-Aqsa dhowr bilood.

Waxa uu hore u soo qabtay xilka muftiga Qudus iyo dhulka Falastiin intii u dhaxaysay 1994 ilaa 2006.

Israa’iil waxay qabsatay bariga Quddus, halkaas oo uu ku yaalla Masaajidka Al-Aqsa, intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1967.

1980-kii waxay Israa’iil la wareegtay magaalada oo dhan, tallaabadaas oo ayna beesha caalamku marna aqoonsan. Barriga Qudus oo uu ku yaal Masaajidka Al-Aqsa ayaa ah halka la rabo in ay caasimad u noqoto dowlada Falastiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this