Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Soomaaliya ee Qatar oo laga Guddoommay Warqadaha Danjirennimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Hamad Aala Taani ayaa warqadaha aqoonsiga ee Danjirennimada ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Safiirka ayaa xilkan waxaa uu u adeegayay qaranka isaga oo ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya.

Mudane Doodoshe ayaa lagu wadaa inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed.

November 23-keedii ayey golaha Wasiirrada u sameeyeen munaasabad sagootin ah mudane Maxamed Doodishe iyaga oo u rajeeyey in laahay u fududeeyo xilka cusub.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this