Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dhallinyaro Soomaali ah oo si qasab ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
Russia.jpeg?fit=1360%2C765&ssl=1

Moscow (Caasimada Online) – Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay xaaladda dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo haatan ku dhibaateysan dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Wiilkan Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag, qaarkoodna lagu daray ciidanka Ruushka.

“Walaalow meeshaan waxaa ka jira dhibaatooyin fara badan, gaar ahaan dalalka Ruushka iyo Belarus waxaa jira dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo waddankii kasoo cararay oo nolol usoo raadsaday waddamada Yurub, waxaase ka haysta Problem badan, dadka ugu badan waxay ku dhiban yihiin xuduuda Belarus & Poland” ayuu yiri Ardayga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa raaciyay “Dadkaas Soomaaliyeed waxaa ku jira dumar, carruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, hadda isbitaallada Belarus waxaa yaalla dumar Soomaaliyeed oo inta qabowga ka batay lugihii laga jaray, waxaa jira kuw kale oo qaliimo hadda ku jira”.

Isaga oo ka warbixinayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida qasabka ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka ayaa waxa uu sheegay inay gaarayaan siddeed ruux, kuwaas oo uu tilmaamay in loo wado dhanka dalka Ukraine, si ay uga dagaalamaan halkaasi.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka Waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu mar kale yiri ardaygu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan dhalinyaro kale oo gaaraysa 60 ruux oo ku xiran caasimada Moscow, iyagana ay suuragal tahay in lagu daro ciidanka Ruushka.

“Dhalinyaradaan hadda, haddii aan laga soo gaarin kuwa xabsiyada ku xiran sida aan hadda xogta ku haayo xasbiga caasimada Ruushka waxaa ku xiran 60 dhalinyaro ah oo loo badinayo in ciidankaas lagu daro, haddii aysan soo gaarin dowladda Soomaaliya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyay safaaradda Soomaaliyeed inay ka gaabisay wax u qabashada dadkaas Soomaaliyeed, wuxuuna farriin usoo diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu soo gurmato dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee dhibaatada wajahaya, kuwaas oo doonayay inay tahriib ku galaan dalalka qaaradda Yurub.

The post Xogta dhallinyaro Soomaali ah oo si qasab ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this