Sign in to follow this  
Thankful

Puntland Womens Development and family ministry show cases work (pics)

Recommended Posts

Thankful   

Cadde-muuse.jpg

 

Garaad-abshir.jpg

 

Ugu dambayntii waxa hadalkii lagu soo dhoweeyey xafladiina soo xiray Garaad Abshir Saalax wuxuuna markii ugu horraysayba waxa uu mahadnaq u soo jeediyey wasiirka wasaaradda iyo howlwadeenadeeda runtii waa wax lagu farxo waxyaabaha waxqabadka ah ee wasiirku inoo soo gudbiyey,dhamaantoodba wxaa fiican inay sidaasi oo kale u dadaalaan waxaana taasi keenta ee horumarka ah waa daacadda iyo dadaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Garowe,Puntland:Munaasibad aad u ballaaran ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska.

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi,qaar ka mid ah golaha wasiirada,xubno ka socday golaha wakiilada, guddoomiyaha guddiga dibu eegista dastuurka, hay’adaha Caalamiga ah wakiiladooda,aqoonyahano,abwaano iyo haweenka Puntland.

Munaasibadan ujeedada loo qabtay ayaa ahayd wasaaradda oo lagu daray qayb cusub,iyo soo badhigidiii waxqabadkii wasaarada ee sannadkii 2007 iyo qorshaha sannadka 2008 iyo weliba abaalmarino la siiyey shaqaalaha wasaaradda oo ku mutaystay shaqo wanaag.

Hadaba markii uu soo gaaray Madaxweynaha DGPl xarunta wasaarada H. Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa waxa uu xariga ka jaray dhismihii cusbaa ee wasaaradda lagu kordhiyey kuwaasi oo dhamaa hoolka weyn ee shirarka oo la ballaariyey,xafiisyo,Biibito,Masaajid iyo qolka sugida nabadgelyada.

Waxaana dhamaan xafiisyadaasi soo kormeeray Madaxweynaha iyo Madaxdii la socotay,waxayna noqotay mid faraxgelisay Madaxdaasi waxyaabihii ay soo arkeen ee laga qabtay wasaaradda Haweenka.

Hadaba furitaankii xafladda loogu talagalay arrimahaasi aan soo sheegnay ayaa ugu horraynba waxa lagu furay Ayaadaha Quraanka kariimka ah.

Quraankaa ka dib ayaa waxa hadalkii furtay agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska halkaasi oo ay ka sheegtay waxyaabaha loogu talagalay xafladan iyo ujeedadii laga lahaa,intaasi ka dib ayaa agaasimaha guud waxa ay ku soo dhoweysay Wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye waxayna halkaasi ka soo jeedisay warbixin dheer oo dhinacyo badan ka hadlaysa haday noqon lahayd waxqabadka wasaaradda,dhaqaalaha soo gala wasaaradda,shaqaalaheeda kala duwan oo qaarkood mutaysteen abaalmarino isugu jira Gaadiid,Lacag,shahaadooyin,waxaana xusid mudan in halkaasi wasiirku ay ku sii sagootiyeen wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Cali Ciise Sugulle ayna wasiirku guddoon siisay hadyad qaali ah.sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay caqabado badan oo ka hor yimid intii ay wasaaradan ay mas’uulka ka ahayd oo ay dhamayd muddo labo sanno ah.

Intaasi ka dib ayaa wasiirka wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoysku Marwo Caasha Geelle Diiriye ayaa waxa ay ku soo dhoweysay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse xirsi wuxuuna ugu horraynba mahad ballaaran u soo jeediyey wasaaradda iyo mas’uuliyiinteeda oo runtii qabtay howlo ballaaran oo lagu faani karo,haweenka waa halbowlaha dalka,waayo maanta haweenka waa la ogyahay waxa ay qabteen oo had iyo jeer hoo iyo hiilba la garab taagan dalkooda iyo dadkooda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dhinaca ammniga,kana codsaday shacabka reer Puntland in ay dawladda wax kala qabtaan,wuxu kaloo intaasi raaciyey in waqtiga hadda uu hartay dawladda ay tahay muddo 8deed bilood ah wax badana ay horyaalaan haday ahaan lahayd hirgelinta dimuqraadiyada iyo horumarinta mashaariicda iyo gobolka sool oo la xoreeyo waana la xorrayn doonaa ayuu yidhi sida ugu dhakhsaha badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jimcaale, it is the people, not the so called PL state, that is behind the success of some projects about empowering Somali women.

 

Women are the backbone of our fledgling economy. They control almost 70% of local market transactions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Rumor has it the place lacked peace and security. Cadde is just nuisance. Can't wait to get him impeached but I don't know any better candidate that could replace him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this