Emperor Posted January 10, 2008 Mareykanka oo qalab siiyay ciidamada ku sugan Xamar ee AMISOM Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-Janaayo-08 (Photo AP) -------------------------------------------------------------------------------- Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowlada Mareykanka ay ugu deeqday ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya Qalab isgaarsiineed oo ku xeran Satalajka kaasi oo isku xeraya saraakiisha Amisom Muqdisho iyo Madaxda Midowga ee Adis Ababa . Danjiraha Mareykanka u fadhiya xarunta midowga Africa ayaa qalabkaasi casriga ah ku doonsiiyay madaxa golaha nabad galyada ee Midowga Africa Saciid Djinit . Qalabkani isgaarsiinta oo noocooda lagu sheegay V-Satelite ayaa la howl gilinaya bartamaha bishaan iyadoo uu isku xerayo ciidamada Amisom ee Muqdisho iyo mas`uulyinta Midowga Africa ee Adis Ababa jooga . Midowga Africa ayaa si weyn ula dhacay qalabkaani oo ay sheegeen in wax ka tarayo dhanka isgaarsiinta iyo isku xerka madaxda . Dowlada Mareykanka ayaa muujineysa dadaal ku aadan xoojinta qalabeynta ciidamada AMISOM ee Soomaliya kuwaasi oo haatan dalka ay ka joogaan Uganda Iyo Brundi . Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Xafiiska Calanka Ee Muqdiso Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites