Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtidda oo ka Dooday Xaaladda Waxbarashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guurtidda oo ka Dooday Xaaladda Waxbarashada Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Dood ka yeeshay sidii loo horumarinlaha siyaasada waxbarashada dalka.

Fadhigii Maanta ee Golaga Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaas Mudane, Siciid Jamac Cali, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay Dood ka yeesheen xaaladda waxbarshada ee dalka, waxaanay mudanayaashii doodaas ka qaybqaadanaayey ka dalbadeen wasaaradda waxbarshada iyoSayniska Somaliland la yimaadaan talaabooyin lagu dardargalinayo waxbarashada dalka, isla markaasina Dugsiyadda Farsamadda Gacanta ay ka hirgaliyaan Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka.

Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland qaarkood ayaa dugsiyada gaarka loo leeyahay ka codsaday in aanay waxbarashada ka dhigin ganacsi ee ay dadka hoos u eegaan, isla markaana qiimaha lacagta Feega ee ay qaadayaan ay ka dhigaan mid bulshadu wada awoodi karto.

Geesta kale xildhibaanadu waxa ay soo jeediyeen in marka la qorayo carruurta iskuulka hoose in lagu xidho in uu soo marey Malcamada Qur’aanka Kariimka lagu barto, laguna imtixaano ilmahaas in uu xafidsan yahay Qur’aanka Kariimka.
Gaba-gabadii waxa ay xildhibaanada golaha guurtidu soojeediyeen in ardayda wax lagu baro afkooda hooyo, si ay dalka ugu soo baxaan jiil ku hubaan aqoon.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this