Sign in to follow this  
Che -Guevara

There is No administration in Puntland

Recommended Posts

Puntland: Amaankii Puntland oo lumay & Xukuumada oo aan waxba ka qaban

21. april 2008

 

Puntland (AllPuntland) - Ammaanka Deegaanada Dawlad gobaleedka Puntland ayaa faraha ka sii baxay, waxaana lumay ammaankii iyo kala dambeyntii ka jirtay meelo ka mid ah Puntland oo horey loogu yaqaanay Nabad & Kala dambeyn wanaagsan.

 

Xukuumada Madaxweyne Cadde Muuse ayaa ku guuldareysatay in ay sugto ammaanka deegaanada Puntland, taasoo dhaliilo xoogan ay kala kulmeyso shacabka.

 

Mamaamulka Cadde Muuse wuxuu awood u yeelan waayey ,iyadoo ay Lacag fara badan soo gasho Mushaarsiinta Ciidamada & shaqaalaheeda, waxaana muuqanaya habacsanaan baahsan oo dhinaca ammaanka.

 

Xukuumada Puntland ayaa ku guuldareystay in ay si wanaagsan wax uga qabato falalka amaan daro ee ka dhacaya deegaanada Puntland ,waxaana muuqata falal badan oo hoos udhigey amaanka Mandiqada gobalka.

 

Dawladdu ayaa dhamaanba ku guuldareysatay Wax ka qabashada waxyaabihii loo igmaday ,taasna waxa ay keentay in dadka Puntland eedeyn usoo jeediyeen Maamulka Sarre.

 

Ma jirto ilaa iyo hada tallaabooyin ay ku dhaqaaqday Xukuumada Cadde Muuse oo ay ku soo celineyso amniga iyo kala dambeynta, waxaana magaalooyinka waa weyn xilliyada habeenkii ka dhaca falal burcadnimo ah oo kooxo hubeysan ay dadka ugeystaan Dilal & Dhac labadaba.

 

Waxyaabaha markan quusta ay ka taagan yihiin Shacabka Ismaamulka Puntland ayaa ah Amnigii Magaalooyinka Puntland oo faraha ka baxay & deegaano ka mid ah Puntland oo ay heystaan Maamulka la baxay Somaliland ee gobalada Waqooyi Galbeed.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimada Diinta ee kulankaan soo qaban qabisay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax, Sheekh Jaamac Liibaan , Sheekh Siciid Axmad Faarax waxeyna tilmaameen in fariintooda ku socoto dadweynaha gobolka Nugaal iyaga oo sheegey in ay ka quusteen maamulka Puntland ee hadda jira in uu wax ka qabto dhibaatooyinkaas

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this