General Duke Posted May 26, 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamul xaafadeedka kajira koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigayaan Malayshiyo beeleed kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maalin kahor hubka ka dhaca Qoriga Suuga ku weerartay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Gaalkacyo. Gudoomiyaha Maamulka Galmudug ee u qaabilsan arimaha deegaanada ay ka taliyaan Xassan Faarax Barre oo maanta Warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegey in falkaasi uusan ka turjumayn aragtida Shucuubta Galmudug,wuxuuna sheegey in ciidamadooda lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan Malayshiyaadkaas. "Waanu kaxunahay Duqayntii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaa ka danbeeyey kooxo wax magarato ah,kuwaasina kama turjumayaan aragtida fiyow ee shacabkeena waana koox yar oo caadaysatay inay falal anshaxumo ah ku dhaqaaqaan,Ciidamadayada oo dhanna amar baanu kusiinay inay gacanta kusoo dhigaan"Ayuu yiri Xasan Faarax Barre. Gudoomiye Xassan wuxuu sheegey in ay raali gelintan mid lamid ah u direen maamulka Puntland saraakiishooda gobolka Mudug isla markaasna ay Shucuubta gobolka Mudug oo dhan ka raali gelinayaan falkaas,waxaana intaas ku daray in labada maamul ay isku raaceen in cadaalada la horkeeno cidi falkaas ka danbaysay. Hadalka Ninka ugu sareeya Saraakiisha Galmudug ee gobolka ayaa imaanaya xili maalin kahor ay Malayshiyaad kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo weerar ku qaadeen garoonka Gaalkacyo isla markaasna ciidamada ilaalada garoonku ay ku jawaabeen hub aad u Culus. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites