Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka Oromada casuumay ayuunbay ku koobantahay Isaaq shaqo kuma laha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninka Oromada casuumay ayuunbay ku koobantahay Isaaq shaqo kuma laha.

Waxa todobaadkani ina haystay rag Oromo ah oo dalka lagu casuumay oo la sheegaayo in ay dir yihiin oo ay reer Somaliland la walaalo yihiin, iyada oo arinkaasi ay wataan ama ku shaqaysanayaan dad gaar ahi oo fashilmay

Hadaba ragaasi Oromada ah ee la sheegayaa waa dad aan dadk dalka lahi u wada dhamayn soo dhawayntooda xataa iska daa reer Somaliland ee waxaan u dhamayn reer Hargeysa.

Inkasta oo aan arkaynay shaqsiyaad ka mid ah dadka xukuumadda Muuse Biixi taageera oo arinkaasi ka muuqda hadana waxa dhab ah in aan reer Hargysi ayna arinkaasi u dhamayn oo dad gaar ahi ay wataan sida aan kor ku xusay.

Waxa aynu ayaamahii ina soo dhaafay aan arkaynay dad badan oo reer Somaliland ah iyo kuwo aan ahaynba oo cay iyo aflagaado u gaysanaaya beelaha Isaaq ee sharafta leh. Waxa aan dadkaasi u sheegaynaa in aan xataa arinkani ayna wadan beel gaar ahi ee ay mashruucani ay wataan dad kooban oo fashilmay isla markaasina faashilkooda ku qarinaaya.

Waxa dalka looga baahanyahay siyaasad lagu hago iyo in dadka iyo dalkaba loo jiheeyo horumar.

Waxana haboon in aan dadka iyo dalka la khal khalin oo aan been la isu sheegin.

Dalku doorasho ayuu u baahanyahay ee uma baahna been iyo khiyaali iyo colaado la huriyo

Waxa ay sheekadan Oromadu I soo xasuusisay Riwaayadii Aw Bustaale oo jilayaasha ay xataa ku jireen rag Oromo matalayaa waaba tii uun

Waxa aan ku soo koobayaa qoraalkaygani waxa ay xukumaddeenu inoo jilaysaa riwaayadii Aw Bustaale inaguna daawadayaashii qiimahalahaa ayaynu ka nahay ee waa in ay sharafteena ilaaliyaan.

Xuseen Xasan Salah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this