Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG donates FM Radio equipment to Puntland Ministry of Info..PICS

Recommended Posts

Dowladda KMG oo Maamulka Puntland gudoonsiiyay qalab warbaahineed.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta qalab Idaacadeed oo aad u xoog badan waxaa ay gudoonsiisay Wasaarada Warfaafinta Maamul goboleedka Puntland kadib munaasaabad ka dhacday Muqdisho.

 

Iyadoo maalmihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiin Axmed Guuleed ayaa munaasabada maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu wareejiyay qalab warbaahineed oo uu ka mid yahay FM Awoodiisa lagu sheegay 3500 oo waat.

 

Munaasabadana qalabkaasi lagu gudoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Siihayaha Xilka wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo sheegay in FM-kaan lagu wareejiyay maamulka Puntland lagu sameyn doono warbaahin ku hadasha Afka Maamulka Puntland.

 

Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya, waxaa uu sheegay in dib u habeyn ay ku sameyn doonaan wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

 

Sidoo kale munaasbadaasi waxaa ka hadlay oo qalabkaasi warbaahineed gudoomay wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed, isagoo si diiran ugu mahad celiyay wasaarada Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in qalabkaani lagu wareejiyay wax weyn uu ku soo kordhin doono warbaahinta Puntland.

 

Waxaa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Puntland inay gacan ka geysan doonaan dib u soo nooleynta Wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyagoo fududeyn doona sii wakaaladaasi xarumo ay ugu yeelan laheyd Maamulka Puntland.

 

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadii todobaadkaan gudihiisa Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay kula wareegeen qalabkii Idaacadaha Horn Afrik iyo GBC, isagoo ugu baaqay dhinacyadaasi in qalabkaasi si deg deg ah ay u soo celiyaan maadaama loogu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Dawlada Puntland oo Saxaafada Soomaaliyeed ugu baaqday Midow & Wadaninimo.

22. september 2010

 

APL

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiim Axmed Guuleed oo weli kusugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan weyn la qaatay Qeybaha kaladuwan ee Saxaafada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka howlgasha kuwaas oo uu ugu baaqay inay nabada & Hor’umarka dalka isbarbartaagaan.

 

Cabdixakiim Axmed Guuleed wuxuu sheegey in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay siweyn uga hadlayeen Colaadaha kajira Gudaha Jamhuuriyada Soomaaliya,waxaana uu sheegey in imika loo baaanyahay in ay taas badalaan oo ay isbarbartaagaan Nabada Soomaaliya islamarkaasna ay aayaha dadkooda ka fakaraan.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Puntland wuxuu sheegey in Saxafiyiinta Soomaaliyeed looga fadhiyo inay Midoobaan islamarkaasna ay aayahooda shaqo ka fakaraan,waxaana uu sheegey in loo baahanayahay in la balaariyo awooda & Talada maamul ee ururada saxaafada ee waaweyn taas oo uu sheegey in ay imika koobanyihiin.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland iyo DKMG oo qorshaynaya in ay adkeeyaan Xiriirkooda.

 

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay adkaynayaan xiriirka ay la leeyihiin DKMG,iyadoona labada dhinac ay siweydaarsanayaan waxyaabaha ay isku dhaamaan khibrad ahaan.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ayaa xili uu u waramayay SBC waxaa uu sheegay in uu kula kulmay Magaaladaasi masuuliyiinta ugu sarsareysa DKMG,iyadoona si gaar gaar ah uu ula kulmay iyagana masuuliyiin kale oo si aad ah u xiisaynaya tagitaankooda Puntland iyagoona doonaya in ay khibrada isdhaafsadaan masuuliyiinta kale ee dhigooda ah eek u sugan Puntland.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed waxaa uu muqdisho ku tagay casumaad uu ka helay dhigiisa DKMG Injineer C/raxmaan Yariisow.

 

Wasiirka waxaa ay dhigiisa ka wada hadleen arimo inta badan diirada saarayay saxaafada Soomaaliya,iyadoona dhinaca DKMG ay sheegeen in ay dib usoo celinayaan Wakaaladii warar Soomaaliya ee Sonna,iyadoona dhinaca Puntland loo samaynayo Idaacad codka dowlada ku hadasha.

 

Heshiisyada iyo xiriirada uu Wasiirka Warfaafinta Puntland sheegay in ay la sameeyeen DKMG ayaa ahaa kuwo dhacay kahor iscasilitaankii Raysal Wasaaraha KMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

 

Lama oga sida ay ku hirgali doonaan heshiisyada labada dhinac Puntland iyo DKMG ay dhinaca saxaafada ka wada galeen,xili DKMG dhowaan la filayo in loo magacaabo Raysal Wasaare Cusub.

 

Xuseen Xuska

SBC International Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ugu baaqay saxafiyiinta Puntland in ay midoobaan.

 

Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa waxaa uu baaq u diray dhamaan Saxafiiyiinta ku dhaqan gudaha deegaanada Puntland,iyadoona baaqiisa uu ahaa mid ku salaysan qaabkii ay saxafiyiintu u midoobi lahaayeen.

 

C/xakiim waxaa uu sheegay dhowaan in ay dowlada Puntland furidoonto Machad saxaafadeed oo saxafiyiinta ka caawinaya sidii ay aqoontooda saxaafadeed kor ugu soo qaadi lahaayeen.

 

Qaar kamid ah Jamaacadaha Puntland ayuu sheegay in sanada soo socota lagu dari doono Kuliyad saxaafad oo inta badan ka caawindonta dhalinyarada saxaafada xiisaynaysa in ay aqoon heer jamaacadeed ah ay helaan.

 

Talada dhinaca midowga ah ayaa Wasiirku waxaa uu sheegay in loo baahan yahay mar uu ka hadlayay yeelashada saxafiyiinta Dalad ay ku midaysan yihiin.

 

Gobolka Bari ayuu sheegay marka hore in iyaga dhalinyarada saxafiyiinta ah ee Jooga looga baahanyahay in ay midoobaan,ayna samaystaan Dalada suxufiyiinta Gobolka Bari ay ku midaysan yihiin.

 

Dalada Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa wasiirku sheegay in loo baahan yahay in iyada oo aan magaca laga badalin la xoojiyo,iyadoona sida uu sheegay saxafiyiinta ka caawindoonto in ay helaan cid u dooda lagalana xisaabtamo.

 

Xuseen Xuska

SBC International Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Dowladda KMG oo Idaacad ku taageertay Wasaaradda Warfaafinta Puntland..(Warsaxaafadeed).

22. september 2010

 

APL

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG ah, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) waxa uu wada-xaajood faahfaahsan wasaaradda kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane C/xakiim Axmed Guuleed, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta Soomaaliya. Afar maalin oo wada-xaajood ah, waxaa laysku raacay qodobadan:

 

1Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG ah waxay qalab idaacad FM ah oo dhameystiran ugu deeqday Wasaaradda Warfaafinta Puntland si Puntland ay u dhisato awooddeeda warbaahineed. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumadda KMG ah ay ku caawineyso dowlad-goboleedyada inay dhistaan awooddooda warbaahineed si ay u wacyigeliyaan bulshada.

 

2. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG ah waxay taageereysaa dhismaha Machadka Saxaafadda ee laga furayo Garoowe, iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda Puntland State University oo machadka siin doonta deegaan iyo bareyaashii wax ka dhigi lahaa. Machadku wuxuu dhisi doonaa awoodda saxafiyiinta Soomaaliyeed si ay waajibkooda ugu gutaan si mas’uuliyad leh.

 

3. Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay xiriir iyo wadashaqeyn joogto ah la lahaan doontaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Dhinacyada ay xiriirka ka yeelan doonaan waxaa ka mid ah sidii loo sameyn lahaa hannaan rukhsadda shaqada lagu siiyo warbaahinta, in la wadaago barnaamijyada, iyo sidoo kale in la qabanqaabiyo isdhaafsiga suxufiyiinta.

 

4. Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay gacan ka geysan doontaa dib-u-soo-nooleynta Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo fududeyn doonta sidii Wakaaladdu xarumo ugu yeelan lahayd Puntland.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Federaalka gacanta ay wasaaraddiisa siiyeen iyo isfahamka ay wada gaareen. Heshiiska noocan oo kale ah wuxuu calaamad u yahay baahida loo qabo inay wadashaqeyn wanaagsan dhexmarto wasaaradaha heerka federal iyo kuwa heerka goboleed si dalka looga samata-bixiyo dhibaatada, ummaddana wax loogu qabto.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiin Axmed Guleed oo ka hadlay munaasabada uu kula wareejinayay Idaacadaasi ayaa u mahadceliayay Wasaarada Warfaafinta isagoo intaa ku daray in Idaacadan ay ku hadli doonto magaca bulshada Puntland laguna rakibi doono Magaalada Garowe, waxa uuna ku celceliyay in arintani ay qeyb ka tahay wadashaqeynta wanaagsan ee u dhaxeeysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

 

Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia topnews: Federation of Somali journalists launched

Sunatimes - Abdi Salaan Abdulle - ‎7 hours ago‎

The information minister of the Somali government and that of Puntland Abdirahman Osman Yarisow and Abdi/hakin Ahmed Guleed as well as Mps, civil society ...

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland iyo DKMG oo qorshaynaya in ay adkeeyaan Xiriirkooda.

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay adkaynayaan xiriirka ay la leeyihiin DKMG,iyadoona labada dhinac ay siweydaarsanayaan waxyaabaha ay isku dhaamaan khibrad ahaan.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ayaa xili uu u waramayay SBC waxaa uu sheegay in uu kula kulmay Magaaladaasi masuuliyiinta ugu sarsareysa DKMG,iyadoona si gaar gaar ah uu ula kulmay iyagana masuuliyiin kale oo si aad ah u xiisaynaya tagitaankooda Puntland iyagoona doonaya in ay khibrada isdhaafsadaan masuuliyiinta kale ee dhigooda ah eek u sugan Puntland.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed waxaa uu muqdisho ku tagay casumaad uu ka helay dhigiisa DKMG Injineer C/raxmaan Yariisow.

 

Wasiirka waxaa ay dhigiisa ka wada hadleen arimo inta badan diirada saarayay saxaafada Soomaaliya,iyadoona dhinaca DKMG ay sheegeen in ay dib usoo celinayaan Wakaaladii warar Soomaaliya ee Sonna,iyadoona dhinaca Puntland loo samaynayo Idaacad codka dowlada ku hadasha.

 

Heshiisyada iyo xiriirada uu Wasiirka Warfaafinta Puntland sheegay in ay la sameeyeen DKMG ayaa ahaa kuwo dhacay kahor iscasilitaankii Raysal Wasaaraha KMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

 

Lama oga sida ay ku hirgali doonaan heshiisyada labada dhinac Puntland iyo DKMG ay dhinaca saxaafada ka wada galeen,xili DKMG dhowaan la filayo in loo magacaabo Raysal Wasaare Cusub.

 

Xuseen Xuska

SBC International Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

war02-300x225.jpg

 

Puntland Oo Loogu Deeqay Qalab Idaacadeed.

Posted by Ali on September 23rd, 2010

 

Muqdisho(Puntlandi.com);-Wasaarada warfaafinta somaliya ayaa Dawlada Puntland ugu deeqday qalab idaacadeed oo dhamaystiran.

 

Qoraal ay siwadajira u soo saareen wasiirada warfaafinta somaliya iyo Puntland ayaa lagu sheegay in dawlada somaliya deeqdaa gudoonsiisay mudane C/xakiin Axmad Guuleed.

 

Qalabkan ayaa ah idaacad FM ah oo dhamaystiran taa oo dhawaan laga hirgalindoono deeganada Puntland.

 

Wasaarada warfaafinta somaliya ayaa sheegay in ay ugu goleeday deeqdan sidii Dawlada puntland shacabkeeda ugu wacyigalinlahay Idaacadan.

 

Waxaa kale oo ay sheegtay in ay wadi doonto taageerada dhinaca warbaahinta oo ay siinayso Dawlada puntland.

 

Wasiirka warfaafinta Puntland C/xakiin Axmad Guuleed ayaa ugu mahadceliyay wasaarada warfaafinta somaliya deeqda ay gudoonsiiyay.

 

C/xakiin ayaa sheegay in dawlada somaliya ka caawin doonaan soo noo laynta wakaaladihii wararka somaliya.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good...

 

But this shouldn't be termed as donation. Its the national infrastructor of the whole country not only Mogadishu as the TFG represents Somalia as a whole. So, its only fair to move some these facilites up north.

 

Also what's the point of keeping these equipments in Mogadishu when there is risk of Alshabaab overtaking the city and take all these as qaniimo.

 

Move all and everything including heavy national equipments to Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D , I agree Awoowe, save whatever that's left from Alshabaab.

 

However, unlike other areas Puntland has set up an effective admin, welcomed Somalis across all regions, are proad to fly the blue flag high on the sky and populate the message of Unity far better than most other regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Every region needs development and stable admin. Its time for the central and southern states to come together and form a Puntland type union and bring an end to the chaos.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this