Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa la soo degi kara hubka loo ogolaaday Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii.

Golaha Ammaanka ayaa xilligaas qaraarkoodu ku saleeyay si looga hortago qulqulka hubka ee dalka xilli dagaallo ahli ah ka jireen dalka kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamiga sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonaya inuu dalku helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay ugu adkaato kooxda al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna ka hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa tilmaamay in waa cusub iyo cutub hor leh uu u furmay Soomaliya.

Madaxwynaha ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu xor u yahay intay awooddoodu le’egtahay ay hubka ay rabaan dibadda ka soo iibsadaan ama dalalka saaxiibka la ah ay siiyaan hubka ay waydiistaan.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku ad adkaan doonto xakamaynta, ilaalinta iyo qulqulka hubka dalka ku soo qulqulayo ayna u leedahay shuruuc adag oo lagu ilaalinayo.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha, Xuseen Macallin Maxamuud, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga dhigan tahay helidda qayb ka mid ah xoriyaddeeda dal ahaaneed.

Wuxuu sheegay inay tani ku soo beegantay xilli ciidamada ATMIS ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sanadkan ayna u baahan tahay in ciidamada Soomaaliya ay qaataan mas’uuliyadda ammaanka dalka.

“See lagu ilaalinayaa, Soomaaliya awoodda ay dhisan doonto, see lagu ilaalinayaa waa hadda su’aasha taagan, ee dowladda Soomaaliy ay rabto inay ka shaqayso,” ayuu yiri

mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaanka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaara oo asluub ah ay yeelan karaan hub intaa ku xaddidan keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in oggolaansho ay ka qaaadanayaan dowladda dhexe maamul goboleedyadu.

Maxaa looga baahan yahay Dowlada Federalka?

CABDISALAAN GUULEED

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Guuleed

Sida uu qabo Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga ayaa sheegay in mas’uuliyad ka xoog badan sidii hore ay fuushay dowladda federaalka oo quseeya arimaha xakamaynta hubka ee dalka maaddaama laga qaaday xayiraaddii saarnayd.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dalku federaal yahay, balse yuu hubku gacanta u galayaa ay su’aal ka taagan tahay.

“War hadii maamul goobleedyadda hubkan gacanta loo galiyo sidee u maamulayaan, awoodda dowlada federaalku ku leeyahy maxay tahay in la xakameeyo intee le’eg tahay, Soomaaliya maxaa uga diyaarsan, kaydad hubkan lagu kaydiyo oo uusan gacanta cadowga galayn ama musuq galayn ma u diyaarsan tahay, muhiimaddaas ayaan isleeyahay waa dul saaran tahay dowlada hadda jirta iyo kuwa imaan kara,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu sheegay in tani tusaale u tahay in la qiimayn karayo inay ka soo bixi karto mas’uuliyadda iyo xakamaynta hubkaas.

Dhanka kale wuxuu Cabdisalaan xusay in fursaddan dowladdu ugu faa’iidaysato inay dalka uga saarto al-Shabaab.

Xuseen Macallin Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in tallaabadan ay welwel ku haysto oo kaliya al-Shabaab, balse ay ciidanka qaranka siinayso fursaddii ay dalka uga sifayn lahaayeen.

Soomaaliya ayaa ahayd dalka kaliya ee xayiraad hub muddadii ugu dheerayd ay saartay Qaramada Midoobay tan iyo intii la dhisay ururkaas sanadkii 1945-tii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this