Deeq A. Posted December 2, 2023 Dhismeyaal cusub oo xadhiga lagaga Jaray Waqooyiga Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar iyo masuuliyiinta Hay’adda Save The Children ayaa xadhiga ka jaray xarrunta Hooyadda iyo dhallaanka ee tuulada Carro-madow oo lagu kordhiyey dhismayaal cusub lana dayactiray dhismihii hore. Waxa mashruuca iska kaashaday hayadda save the children iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxaana maalgeliyey xafiiska gargaarka bini’aadanimada ee hayadda USAID. Munaasibadii xadhig ka jarka xarunta hooyada iyo dhallanka degmada Carro-madaw, waxa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweyna ka jeediyay guddoomiyaha degaanka Carro-madaw, guddoomiyaha degmada Fara-weyne, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Save the Children, waxaaney dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Horumarinta lagu sameeyay Xaruntan Caafimaadku daboolli doonto baahiyihii ka jiray degaanka. Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa, oo si rasmi ah xadhiga uga jaray xaruntan ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qaybqadatay hirgelinta hawshan, waxaaney ku booriyeen bulshada Degaanka Carro-madaw inay ilaashadan xaruntan, isla markaana la shaqeeyaan shaqaalaha u adeegaya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites