Sign in to follow this  
Deeq A.

Khaatumo oo soo Dhaweey Go’aankii Shirkii Beesha Habarjeclo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Kooxda huwanta ee SSC-Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweeyay go’aanadii beesha bariga Burco ay toddibaadkii hore soo saareen.

Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan;

“Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag.
Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha East Burco Clan ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba.

Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta.

IMG-20231202-WA0004-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this