Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo ku dhawaaqay tallaabo culus oo Shabaab ka dhan ah kadib go’aankii QM

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa boggaadiyay go’aanka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM, kaas oo Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

Xamza ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid taariikhi ah oo muddo dheer la sugayay, isla markaana guul ah Ummadda Soomaaliyeed.

“Waa cunaqabateyntii ugu dhirirka badnayd ee abid Golaha Ammaanka uu dal saaro, waa go’aan taariikhi ah oo muddo dheer ka dhowr sugaynay, dadaal badana u galnay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay haatan qaadeyso tallaabo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in fududu looga saarayo dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Soomaaliya ay fursad u heleyso inay soo iibsato qalab iyo hub casri ah oo ay helaan ciidamadeeda.

“Waxaan awood u yeelanaynaa inaan dalka ka xorayno Khawaarijta si fudud, maadaama aan markii hore isku awood uun ahayn dhinaca qalabka iyo hubka marka laga fiiriyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay fududaan doonto dhisida ciidamada Xoogga dalka, si ay u hataan amniga xuduudaha iyo kan dalka oo dhan.

“Waxaa sii wadi doonaan oo noo fududaan doonto dhisidda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku filnaada inuu amniga gacanta ku dhigo” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Soomaaliya waxa ay haatan la daalaa dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.

The post Xamza oo ku dhawaaqay tallaabo culus oo Shabaab ka dhan ah kadib go’aankii QM appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this