Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo go’aan culus ka gaartay saraakiishii Badbaado Qaran, hubka iyo ciidankooda

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-dagaal-2.jpeg?fit=1200%2C780&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliska ciidanka xoogga dalka uu u yeeray saraakiisha hoggaamisa qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgala HirShabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha loo yeeray ayaa u badan kuwii hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee Muqdisho kula dagaalamay Madaxweyne Farmaajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi.

Sida ay noo sheegeen saraakiil xog ogaal ah, qorshuhu wuxuu yahay in ciidanka iyo saraakiisha qeybahaas loo sameeyo feyl-celin ama dib u tababarid, qalabeyn iyo dib u dhis cusub oo markaan ay aad ugu baahan yihiin qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee militeriga Soomaaliya.

Ciidamadaan waa kuwii ugu horeeyey ee dib loogu soo aas-aasay ciidamada xoogga dalka, waxaana la sheegay in saraakiisha loo yeeray ay ku jiraan Korneyl Saney Cabdulle oo ah nin awood badan ku leh Sh/Dhexe, Baakaay oo ah ninka hoggaamiya qeybta 27-aad, Cali Xuubey, Ibraahim Yuusuf iyo saraakiil kale.

Saraakiisha qaar waxaa la sheegay inay heystaan ciidan iyo hub culus oo aan ku jirin diiwaanka dowladda, waxayna dowladdu hadda ku amartay inay cadeeyaan qiimaha hubkaas, si looga iibiyo oo dowladdu ula wareegto iyo tirada askarta aan ku jirin diiwaanka ciidanka qaranka.

Waxaa iska soo dabadhaca warar badan oo ku saabsan qorshaha dowladda ee ku saabsan arrintaan, balse xogta ugu badan ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegeysaa in saraakiishaan loo qaadayo tababar dibadda ah, ciidamadana tababar iyo dib u diiwaan gelin loogu sameyn doono gudaha dalka.

Markii arrintaan loo eego shuruucda ciidanka iyo shaqada militeriga waxaa la sheegay in wax dhibaato ah aysan arrintaani laheyn, isla markaana ay dowladdu awoodeeda leedahay.

Waxaa arrintaan xiiso gaar ah u yeeleysa in saraakiisha loo yeeray ee tababarka loo dirayo ay yihiin kuwii hoggaaminayey dagaalkii Badbaado Qaran oo siyaasiyiintii ay u hiiliyeen uu ugu horeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiligaas mucaarad ahaa.

The post Xog: DF oo go’aan culus ka gaartay saraakiishii Badbaado Qaran, hubka iyo ciidankooda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this