Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC oo jawaab ka bixisay go’aannadii ay ku faraxday ee beesha HABAR-JECLO

Recommended Posts

Deeq A.   
Odayaasha-Isimada-Laascaanood-Sool.jpeg?

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatuma ayaa jawaab ka bixiyay go’aanadii kasoo baxay shirweynihiui Beesha Habar-Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ee lagu soo gebo-gaboobay magaalada Burco, isla markaana lagu sheegay in beeshu aanay duulaan ku ahayn SSC, balse ay difaacan doonaan deegaanadooda.

Go’aannada kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale kujiray qodob sheegaya in Beeshaasi ay Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.

SSC-Khaatuma oo jawaab deg-deg ah kasoo saartay arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda ula qaadatay go’aanka ay gaartay Beesha Habar-Jeclo ee ah in aysan duulaan ku ahayn Khaatumo, sidoo kalena ay diyaar u tahay wada noolaasho iyo daris wanaag.

“Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saaray SSC-Khaartuma.

Sidoo kale Khaatuma ayaa ka codsatay Beesha Habar-Jeclo in ciidankeeda ay ka ceshato dagaalka ay waddo Somaliland, ayaguna ay ilaalin doonaan darisnimada Beeshaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

JAWAABTA ISIMADA SSC-KHATUMO EE KU AADDAN QORAALKA KA SOO BAXAY SHIRKA BEESHA East Burco Clan EE BURCO 28 NOVEMBER, 2023.

  1. Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya.
  1. Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag.
  1. Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha East Burco Clan ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba.
  2. Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta.

407372430_1415150996089118_7285400574306

The post SSC oo jawaab ka bixisay go’aannadii ay ku faraxday ee beesha HABAR-JECLO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this