Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Bandow relaxed also Abdullahi and PM Gheedi paid money for Mog's destabilisation!!!!

Recommended Posts

Courts saying President Abdullahi Yusuf and PM Gheedi gave money to Mog residents to put the city in disarray and mayhem!

 

Maxkamadaha Islaamiga ah oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday bandowgii saarnaa Muqdisho

 

Sida uu sheegay madaxa warfaafinta iyo dacwada maxkamadaha Islaamiga ah C/raxiin Cali Muudey waxaa la qaaday bandowgii maalmo ka hor golaha maxkamadaha ay ku soo rogeen magaaladan Muqdisho, isagoo tilmaamay in wixii caawa ka dambeeyay ay caadi tahay dhamaanba isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka intaba.

 

“Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo Ciidamada maxkamadaha waxaan u sheegeynaa inuu dhamaaday lana qaaday bandowgii labadii habeen ee la soo dhaafay saarnaa magaaladan Muqdisho oo wixii caawa ka dambeeyana ay caadi tahay magaalada xiligii la doonana la soco karo” ayuu yiri C/raxiin Cali Muudeey oo intaa ku daray inay dhamaadeen rabshadihii keenay in bandowgaasi la qaaday uu ku eedeeyey iney soo abaabuleen C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi sida uu hadalka u dhigay, kuwaasoo uu sheegay iney lacag ku bixiyeen sidii xasilooni daro looga abuuri lahaa magaaladan Muqdisho.

 

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa saarnaa bandow ay ku soo rogeen maxkamadaha islaamiga ah ee gacanta ku haya caasimada ka dib markii magaalada Muqdisho ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wato oo looga soo horjeeday Qaad muddo labo jeer oo isxigay lagu gubay meelo kala duwan oo magaalada ah, kaasoo ay dhigeen qaar ka tirsan ganacsatada iyo dadka isticmaala Qaadka.

 

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia

diinicadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this